Nacabo iyo Nasteexo.WQ.Gobaad Cumar Guuleed

Waxaa waa waayada ka mid ah kob ku wada noolaa Naalleeye iyo labadiisa xaas, Nacabo iyo Nasteexo. Labadiisa marwood ayaa habeen iyo dharaar dagaal joogta ah oo aan abid soo af-jarmin isku hayay. Naaleeye waqtigiisa intiisii badnayd waxaa ka qaatay u kala garniqidda labadiisa afood.

 

Xilliyadii hore waxaa gacansarreeyn jirtey Nasteexo oo inta badan garab iyo gaashaan heli jirtey. Saygoodu intii hore oo dhan wuxuu garta siin jirey Nasteexo, hayeeshee waayadii dambe Nacabo xaggeeda ayuu billaabay in uu isu janjeeriyo oo is-xijiyo.

 

Nacabo carruur ma leh, dabeecad ma leh, qurux ma leh, dulqaad ma leh, dadnimo ma leh, dad-wadid ma leh oo naxariis ma leh. Qof shiddo, diradiraalennimo, dabshidid iyo dagaal u taagan weeye. Qof xigto iyo xigaal xabaal ku guraysa weeye. Badankood ehelkii iyo ummaddii ayaa dhibsaday.

 

Nasteexo carruur bay leedahay, dabeecad bay leedahay, dulqaad bay leedahay, dadnimo ayay leedahay, dad-wadid bay leedahay oo naxariis ayay leedahay. Qof nabad, deris wanaag, dad-isku-wadid iyo colaad-demin u taagan weeye. Badankood ehelkii iyo ummaddii ayaa jeclaaday.

 

Muddo kaddib xaaladdii ayaa is-rogtay. Xaaladdu halbeeg 180 digrii ah ayay la baxday. Nacabo waxay garab iyo gaashaan ka heshey dadkii intiisii badnaa. Iyadii ayay bulshadii inteedii badnayd taageertey.

 

Nasteexo meel cidlo ah ayay ku soo dhacday. Qof il naxariis leh iyadii ku dhugta ayay wayday. Kuwii ay dhashay, waxay la safteen oo raaceen Nacabo. Diiddey Nasteexo in inta badan waxay isku raacday ay ka mid noqoto oo waxay sameeyaan iyo dagaallada ay oogaan iyo nacaybka ay dadka dhex dhigaan taageerto. Eebbe ayay talada saaratay. Dabadeed waxay billoowday oo muddo dheer ka shaqeeysey sidii ummadda laysu jeclaysiin lahaa, laysu qaddarin lahaa, loo walaaleeyn lahaa, laysugu keeni lahaa oo cadowgooda, dibed iyo gudaba, loo dareensiin lahaa.

 

Ugu dambeeyntii, Nasteexo, Eebbe waa ku guuleeysiiyey in hibadeedii, hankeedii, himiladeedii iyo hibaaqeedii udgoonaa oo habboonaa uu helloon u noqdo.

 

Gobaad Cumar Guuleed

London, 19.02.2017

Be the first to comment on "Nacabo iyo Nasteexo.WQ.Gobaad Cumar Guuleed"

Leave a comment