Video:-In ka badan 30-qof oo ku geeriyooday Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho

In ka badan 30-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxaasi aadka u xooganaa , waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus.

Dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxan xoogan ee ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ayaan helin gurmad deg deg ah, waxaana daqiiqado badan kadib halka uu qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka Amplaasta kuwaa oo markii dambe goobta ka qaaday dhaawacyada iyo dadka dhintay.

Qaraxa ka dhacay Suuqa kuyaala Xaafada Kaawo Godey ayaa sidoo kale sababay in uu gubto qeybo kamid ah Suuqa , waxaana markii dambe dabka damiyay gaadiidka dab damiska oo goobtaasi si deg deg ah u gaaray.

Sargaal katirsan Hay’ada Nabad sugida oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qasaaro xoogan uu qaraxu ka dhashay ayna adkaatay in meydadka dadka qaarkood la aqoosado maadama jirkoodu uu go’ go’ay.

Masuuliyada qaraxan qasaaraha badan dhaliyay ee goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho ayaan jirin cid sheegatay, walina lama oga in goobta uu qaraxan ka dhacay ay aheed bartilmaameed inkastoo wararka xoogooda sheegayaan in goobtaasi aysan aheyn bartilmaameed,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-In ka badan 30-qof oo ku geeriyooday Qarax xoog leh oo ka dhacay Muqdisho"

Leave a comment