Dabaqabasho Ma Laha.WQ.Maxamuud Guuleed Yuusuf ”Jeeni”

Oday baa waa waayada ka mid ah arkay nin doonayay in uu is-daldalo.

“Adeer, maxaad isu dilaysaa?” odaygii ayaa ninkii ku yidhi.
“Arrin reerkayaga iga haysata oo aan xal u waayay awgeed baan isu dilayaa,” ayuu ninkii ku warceliyey.

“Adduunka waxaan xal loo heli karin ma jiraane, adeer, ii sheeg siday wax u jiraan, waa intaas oo aan dhibaatadaada xalkeeda helaa!”

“Adeer, iskaddaa! Waa arrin cakiran oo aan xal loo heli karinnin. Adiguna waxba kama qaban kartid. Waxay ku habboontahay in aadan isku daalinnin oo aadan isku hawlinnin oo aadan waqtiga iskaga luminnin,” ayuu ninkii odaygii u sheegey.

”Nin kaa da’ weyn baan ahay. Nin dhacdooyin fara badan goobjoog u ahaa baan ahay. Nin garta naqa oo guurtida geyiga joogta ka mid ah baan ahay. Waaya-aragnimadayda ayaan doonayaa in aan la kaashado dhibta adiga ku haysata sidii aan uga jibaggaadhi lahaa. Horta, adeerow gacaliye, sababta aad isu dilayso ii sheeg!”

Muddo ayuu ka meermeerey oo ka warwareegey in uu jawaab ka bixiyo waxyaabaha ku kallifay in uu is-daldalo. Ugu dambeeyntii, ninkii wuxuu odaygii ku yidhi: “Adeer, garoob gabadh wadata ayaan aabbahay ula imid, dabadeed wuu ii guuriyey oo iigu duceeyey. Goortaan haweeneydaydii la aqalgalay, ayuu aabbahay isna inantii ay ooridaydii dhashay, aniguna iyada aan aabbe ugu aaddanahay ayuu guursaday.”

Muddo gaaban ayuu ninkii aammus galay oo hadal ka soo bixi waayay.

”Adeer ii wad sheekada oo ii dhammeeystir!” ayaa odaygii yidhi.

Ninkii dhallinyarada ahaa waa sii watay hadalkiisii oo wuxuu yidhi: ”Inantii xaaskaygu dhashay ee aan waalidka u ahaa baa hooyo ii noqotay, illayn aabbahay baa qaba’e. Kolka dhinac kale laga eego. Aniga ayaa iyada aabbe u ah, illayn hooyadeed baan qabaaye. Xaaskaygii baa aabbahay soddoh u noqotay, illayn inanteedii buu qabaaye. Marka doc kale laga eego, aabbahay baa mar soddog u noqday, illayn aniga ayuu i dhalaye. Barbarka kale, wiilkaygii baa aabbahay seeddi u noqday, illayn walaashii buu aabbahay qabaaye. Odaygii i dhalay baa, si kale haddii loo dhigo, awoowe u noqday, illayn aniga ayaa dhalaye. Mar kalena, wiilkaygii baa walaalkay abti u noqday, illayn walaashii baa dhashaye, kolna isagii ayaa adeer loo noqday, saa walaalkay baa dhalay. Walaashii baa wiilkaygii ayeeyo u noqotay, illayn awoowgii baa qaba’e, mar kalena waa wada dhasheen. Ashqaraar iyo afkalaqaad waxaa noqday, xaaskaygii baa aniga ayeeyo ii noqotay, illayn walaalkay bay ayeeyo u tahaye. Argaggax iyana waxaa ah, walaalkay baan mar awoowe u noqday, illayn ayeeydii baan qabaaye.”

Halkaa markii uu marinayay ayuu odaygii yidhi: ”Maandhow, bes iga dheh! Anigu xaajadan ku wareerey. Sheeko aan sii dhammeeystiran karo oo sii dhegeysan karo maaha. Arrintuna dabaqabasho ma laha. Bisinka iyo Burdaha inoo wada qabo, aynnu is-daldalno!”

Maxamuud Guuleed Yuusuf ”Jeeni”
London, 19.11.2016

Be the first to comment on "Dabaqabasho Ma Laha.WQ.Maxamuud Guuleed Yuusuf ”Jeeni”"

Leave a comment