Hoobasho iyo Halacnimo (Sheeko Gaaban).WQ.Maxamed Cali Xasan “Alto”

SHEEKO GAABAN

Hoobasho iyo Halacnimo

(Sheeko Gaaban)

Maxamed Cali Xasan “Alto” Finland, Helsinki, 26.10.2001

xasan_maxamed@hotmail.com

Waa waayada ka mid ah, ayaa la yiri, waxaa degsiimooyinka Soomaalida ka aloosmay colaado iyo dagaaallo damiwaayay. Xaajo ugub oo dihin ayay ahayd oo gar cadaawo noqotay. Kufsasho, xasuuqid, isirxaaqid, baqti-gowrac, maataddoox, mooradduug iyo saqiirraddubad ayaa dhacay. Dhiig fara badan ayaa dhulka galay. Falal aad u foolxun, silloon oo sirgaxan, Muslin daayoo, Masiixi iyo Yahuudba uu ka sarriigto ayaa dhacay.

Ka daran, hayeeshee, abaaro gaag-ma-reebaan ah baa dhulkii si isdaba joog leh ugu habsaday. Xilliyadii roobabka beeyan daruurihii di’innin. Biyihii iyo baadkii ayaa yaraaday. Balliyadii iyo waxaa guray harooyinkii. Webiyadii Jubba iyo Shabeelle baa isdhimay. Wadaamihii ceelasha dowlisyo dhaadheer in lagu xiro ayay u baahdeen. Hogo kaliileed weeye oo hanfi, kulayl iyo huur badan. Kolkolna habaas ayaa nafleydii indhaha kala tegey. Harraad baa dad iyo duunyaba u go’een. Dabadheer, Gaatame, Haarriye, Hargacuna, Hawaare, Jiitama, Xaaraame iyo Xoolajare baa biyo iyo caano ahaa. Waxaan la arag oo la maqal ayaa carrigii helay. Hanti xoolaad – ariga (idaha iyo riyaha); ishkinka (geela iyo lo’da); gammaanka (fardaha, baqlaha iyo dameeraha) – wixii dadku haystay baa gabaabsi noqday.

Saddex bacaluul oo boolida qaranka iyo burburka dagaallada sokeeye ku baraaray ayaa barkulan isugu yimid oo ku shiray. Dhurwaayadii la tashi ayay dawaco ugu yeerteen iyo inay la hawlgasho. Saddexdii waraabe oo ay dayo weheliso waxay isla qoondeeyeen oo qaadaadhigeen qaabkii maamul iyo maareyn dawlad dhexe u samaysan lahaayeen, hawlaha iyo hoggaanka dalkana gacmahoodu u soo geli lahayd oo looga talaqaadan lahaa.

“Inaannu dawladnimadii shalaytoole dalowga ka tuurray dib u soo celinno ayaa loo baahanyahay. Weliba marakan innagoon gumuc rasaas ah ridinnin. In nidaam xukuumad dhexe ah dalka ka hirgelinno oo annagu madax ka noqonno,” Quble, dhurwaayadii mid ka mid ah, ayaa hadalkiisii ku furay. “Maanta dugaaggii waa ka daallay dagaalka oo wuxuu gartay qarannimo waxa ay tahay. Nabad ayaa xoolihii baahi weyn u qabaa. Hanti iyo raasummaal, innagoo qudha ayaa dalkii dhammaa ka haysanna. Hungo weeye nafleyda inteedii kale. Sidaa darteed, waqtigakan xaadirka ah awood maskaxeed iyo mid maaliyadeed ayaannu haysannaa oo xukunka ku qabsan karro. Xaashaa, saaxiibbo shisheeyaad oo nala guntada oo nala gurmada waannu helaynnaa. Waxaa nala gudboon ayay ila tahay in aannu ka faa’ideysanno fursaddatan qaaliga ah oo dib dambe weligeed innoo soo mari doonnin.”

“Allaylee, Quble, runtaa weeye. Dagaalkii sokeeye lagu kala adkaanwaa, hadduu sii socdana khatar baannu ku jirraa. Waa innaanu dantayada garannaa. Imminka iyo haatan halkudhegeennu `NABAD & CAANO´ oo far waaweyn lagu qoray weeye,” Qooshte, waraabihii labaad, ayaa ereygii qaatay. Waa sii watay hadalkiisii: “Waa sida aad sheegtaye, haddii durbaanno iyo mashxarado dhawaaqoodu dheeryahay duunyada kula dhex dhacno, hubaal weeye badidood in hugunka iyo hayaanka soo dabaggeli doonaan. Waxaa intaas wehesha baaqyo, ballanqaadyo iyo baraarujin nafleyda dhexdeeda ah – daryeel iyo horumar kala go’ lahayn in la gaarsiinayo mustaqbalka dhow. Waannu fallisaynnaa makhaayadaha iyo sandaqadaha yaryar oo waddanka ka furmay. Durba goor dhow albaabadooda ayaa xirmi doona oo kaayaga ayaa la rukuman doonaa.”

Seddexaad, dhurwaaga weeye dhurwaayada ugu awoodda iyo hantida badan, ayaa taladii labada waraabe kale soo jeedsheen aad ugu guuxay. Qabax, isagoo dhoollacaddeynaya ayuu yiri: “Dugaagga kale waxaannu leennahay, `Isu kaalaya oo annaga na doorta!´ Inta diidda waxaannu ku shaabbadaynaynnaa in ay yihiin cadowga duunyada Soomaaliyeed iyo dabadhilifyada isticmaarka, shisheeyaha iyo Xasbahallaha. Hashii Maandeeq gaawaheeda waa in uu soo galaa gacmahayaga gooshkakan maanta ah. Haddii kale ma war baa yaal, `nagu kala dareersha meesha!´ ayaannu leennahay. Waddamada quwadaha waaweyn, ururada Islaamiga ah iyo caalamka Carabta baa garab iyo gaashaan innoo noqonaya. Rafiiqyo ayaannu dalalka dariska ah ka helaynnaa. Imminka ayaa bur, badar, bariis, iyo beeso la helayaa. Ballanqaadyo fara badan ayaa jira. Waxa oday nabaddoon iyo qabqable ah ee carriga jooga macmacaankooda ayaa la siinayaa.

“Qurdaneey, maxay adigana kula tahay?” Quble ayaa dawaco sheekada iyo talada wadaajiyay. Kob ka yara durugsan ayay Qurdan fadhiday. Goobjoog ayay u ahayd oo sir iyo cadba waa la socotay qorshaha dhurwaayadu isu koobinayeen, hayeeshee, lama dhicinnin dulucda ujeeddadooda. Dhowr jeer ayay damacday in majliskoodaba ka baxdo. Waa ay qaadan la’ayd waxa dhurwaayada madhergayaasha ah iska dhaadhicinayeen. Horeyse u tiqiin in waraabuhu yahay baqticune, bahallaan waxba hambaynnin, danayste dhadhamarraac ah, qas iyo qalaanqal-ku-noole, dugaag aan saldanad xajin karinnin.

“Dhegeysta, waraabayaalow!” Qurdan oo caraysan baa hadalkii qaadatay. “Koowaad weeye, waannu is naqaanne yaan lay hafrin, anigu hanti duunyo leedahay, hore uma dhicinnin haatanna ma haysto kuna hammin maayo mustaqbalka. Waa xagladdaallis xaajo aan xariggeed idiin guntami doonnin. Haddii aad horrey xoog, xabbad iyo xasuuq ku xoolaysateen xeel iyo xirrib xukun ku heli maysaan. Haddaad nabad, caano iyo xukuumad doonnaysaan tab kale uga xoolamaali maysaan, xalaal mooyaane. Waxyaqaan hore ayaa yiri, `Nafleydu “walaal” waxay ku dhaanto waayay´. Hays wareerinnina, maandhooyinoow, cagaha dhigta. Toban sano iyo jarjar ayaad sankunneflaha silic, baaba’ iyo barokac horseed uga ahaydeen. Imminka hoggaanka iyo majaraha inaad u qabataan oo tu ka daran tii la soo maray dhigtaan, Maaligga ayaannu ka magangallay. Anigu qof baan ahaye, fikraddaas idinkula talin maayo, qorshana idinkula geli maayo. Arrimaha aad wadataan waxaad ka heshaan waxba hayga siinnina! Waxaanse idinku waannin lahaa, waan idiin jeedaayoo hakan maysaane, in aad nafleyda kale ee dalka idinla deggan talada wax ka siisaan oo wadaajisaan.”

“Mid kalaan xusuustee,” Qurdan baa su’aal gocatay. “Miyaad isweyddiiseen habkaad uga saari lahaydeen Hasha haadaanta dhex taal? Muxuu yahayse hawlgalka barnaamijka samatabbixinta Hasha?”

“In aannu ka saarro ma innagaaba ku talajirna. War qoftu maangaabsanaa. Hawshaas laguuma dirsannine, adigu miyaad na raacday?” ayuu Quble yiri.

“Naayaa, waa qoftaadan! Haddii aadan na soo raacinnin ogow in cayayaanka duurka jooga ay ku cuni doonaan. Hooy, imminkaad fursad haysataa ee dhurwaayadaada dhinac ka raac!” Qooshte ayaa Qurdan ugu dardaarwershey.

Sayte, “`Ilaah baa deeq baxsha.´ Haddii dan guud la waayay, Qabyana sidaa u dayacan tahay, kobtayda ayaan Eebbe ku sugayaa.”

Qurdan diidday taladoodii oo Waaq bay talada saaratay. Durduriye saddexdii waraabe. Booraantii Maandeeq tiillay ayay u degteen. Xeel iyo farsamo kasta Hashii ku daye in ay ku toosiyaan.

Dhowr casho dabadeed waxaa Qurdan loo sheegay in Quble iyo Qabax ay ka takhalluseen Qooshte oo ay cunneen. Toddobaad ka dib, misana waxay ka warheshey in Qabax oo qudha uu haadaantii ku haray, fara kululse abeesooyin ku hayaan. Hayeeshee, waxaa Qurdan looga digay in ayax fara badan dhankeeda uu ku soo aaddan yahay oo uu soo hayo.

Qurdan oo Dayri u da’day oo Diraacdii Eebbe uga gargaaray, nabad, doog iyo barwaaqo heshay oo xoolihii u tarmeen, ayaa aroortii dambe ayax tiro badan oo sida daruurtii isula socda oo duulaya ku soo degay. Wuxuu cagta mariyey caleentii, dhirtii iyo beerihii. Xoolihii waxay daaqaan bay waayeen. Goor fiid ah ayay Qurdan booyday oo af labadii yeedhay. Sankunneefle wixii agagaarka ka dhowaa, saqiir iyo kabiir, waa muraaradillaaceen. Ammaandarro iyo xasilloonidarro ayaa beesheedii soo foodsaartay.

Ugu dambayntii, Qurdan Qarandi ayay kaalmo weyddiisatay si ayaxa, aboorka iyo quraanyada iyada nafta u keenay uga cunto.

Be the first to comment on "Hoobasho iyo Halacnimo (Sheeko Gaaban).WQ.Maxamed Cali Xasan “Alto”"

Leave a comment

 
%d bloggers like this: