Madaxweyne Gaas iyo Rw Cumar Cabdirashiid oo Xamar gaaray maanta

Madaxweyne Gaas iyo Rw Cumar Cabdirashiid oo maalmahan booqasho ku joogay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta waxay ka dageen garoonka Diyaaradaha ee Aadan-cade Muqdisho.
 
Waxay ahayd 5-Bari ka hor markii Diyaarad khaas ah ay ka qaaday Bosaso Madaxweyne Gaas ,taasoo gaysay dalka Imaaraadka Carabta.iyadoo uu kaga sii horeeyay halkaas Rw Cumar Cabdirashiid.
 
Ilaa iyo hada si dhab ah looma xaqiijin karo waxa uu ku saabsanaa safaraka Madaxweyne Gaas ee Imaaraadka Carabta ,sidoo kale saxaafadu ma helin waxii looga wada hadlay kulankii sadex geesoodka ahaa ee dhexmaray Madaxweyne Gaas,Rw Cumar iyo Masuuliyiinta ka tirsan Dawlada Imaaraadka Carabta.,balse
 
Balse Masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa noo xaqiijiyay in looga wada xaajooday kulankaas sida loosii wada shaqayn karo Doorashadii Madaxweynanimo kadib.
 
Imaanshaha Madaxweyne Gaas iyo Rw Cumar ee Muqdisho ayaan saxaafadu waxba kala socon ,sidoo kale tagidoodii Imaaraadka ayaan saxaafadu la socon oo ay ka qarsoonayd.
 
Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa isla maanta kulan la qaatay Madaxweyne farmaajo,inkastoo kulankaasna saxaafadu dibad joog ka ahayd oo aan la shaacin.
 
Madaxweyne Gaas ayaa maalinka Arbacada ah kaga qaybgali doona Muqdisho caleema saarka Madaxweyne Farmaajo ,ka hor inat uusan dib ugu soo laaban Puntland.

1 Comment on "Madaxweyne Gaas iyo Rw Cumar Cabdirashiid oo Xamar gaaray maanta"

Leave a comment