Qabanqaabada Shirka Maqaabkiisu sareeyo ee amniga iyo Horumarka Somaliya oo looga shiray

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Cusub ee dalka Ingiriska Amb. David Concar, iyaga oo kawada hadlay qaban-qaabada shir heer sare ah oo ku saabsan horrumarka iyo amniga Soomaaliya oo sannadkan lagu qaban doono magaalada London.

Mudane Carte, ayaa Safiirka kala hadlay wax yaabaha looga hadli doona shirka oo ay martigelinayso dawladda UK lana filayo in ay ka soo qayb galaan dawlado badan iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa safiirka uga mahadceliyay martigelinta ay dawaldiisa martigelin doonto shirkan, isaga oo ka codsaday in xiriirka laba dal kor loo sii qaado.

“Dawladda Britain waxa aan uga mahadcelinayaa martigelinta shirkan iyo garab istaaga dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed oo inagu dhiiragelinaysa in aynu sii xoojino xiriirka inaga la dhaxeeya” ayuu yiri Mudane Carte.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in shirka ay si wada jir ah u gudoomin doonaan Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey, Madaxweynaha Soomaaliya, iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska oo la filayo in ay ka soo baxaan heshiis iskaashi oo dhex mara Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kobcinta dhaqaalaha, dib u habeynta amniga, wax ka qabashada abaaraha, iyo sidii dalkeenna looga cafin lahaa deymaha.

Be the first to comment on "Qabanqaabada Shirka Maqaabkiisu sareeyo ee amniga iyo Horumarka Somaliya oo looga shiray"

Leave a comment