Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo kusoo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada Madaxweyne Axmed Madoobe

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Mohamed Islaan “Madoobe” ayaa maanta galinkii hore soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qayb-galo munaasabad-da caleema saarka madaxweynaha Somaliya oo maalinta arbacad ah dhacaysa.

Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa mudadii lagu jiray ololaha doorashooyinka Soomaliya oo uu ku guulaystay Maxamed C/laahi Faraamjo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa caawa kulan kula qaatay Villa Somaliya madaxweyne Maxamed cabdulaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe iyo farmaajo ayaa kulankodii caawa kaga wada hadlay arimo ay ka mid yihiin caleema saarka Madaxweyne farmaajo iyo xaalada guud ee Dalka.

Madaxweyne Axmed madoobe ayaan imaan Muqdisho tan iyo xiligii Doorashada ,waxuuna ahaa Marakii la eego madaxda  Dawlad Goboleedyada kan kaliya ee aan imaan Muqdisho,isla markaana aan door muuqda ku dhex yeelan olalihii Doorashada Madaxtinmo ee lagu doortay Madaxweyne farmaajo.

 

 

 

Be the first to comment on "Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo kusoo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada Madaxweyne Axmed Madoobe"

Leave a comment