Video:-Ciidamada Ciraaq oo ku qaaday weerarkii ugu xooga badnaa Galbeedka Moslil

Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa u dhowaaday deegaanada dhanka Galbeed kaga beegan Mosul.

Waa maalintii labaad ee uu socdo wejiga labaad ee dagaalka dowladda iyo xulafadeeda ay ugu jiraan inay daacish uga saraan Mosul.

Deegaanka Abu Sharif oo kaabiga ku haya Mosul, waxaa duqeeyay diyaarado ayadoo militarigana uu dhulka kaga siqeen.

Hadda wararka qaar waxay sheegayaan in ciidamada ay galeen qeybo ka mid ah Abu Sharif.

Qeybaha bari ee Mosul waxaa ururka Khilaafada Islaamka laga saaray bishii la soo dhaafay, ka dib dagaal aad u culus.

Abu Sharif, oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Mosul, waxaa loo arkaa inay muhiim u ahayd daacish oo hadda dhanka Galbeed isugu tagtay.,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Ciidamada Ciraaq oo ku qaaday weerarkii ugu xooga badnaa Galbeedka Moslil"

Leave a comment