Video:-Ma dhabaa in Dawlada Maraykanka cadaadis ku saartay Madaxweyne farmaajo in uu qirto in laaluush lagu doortay

Prof. Samatar wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu yeesho Geesinimo uu ku qirto wixii dhacay iyo laaluushkii la bixiyay ee codadka Xildhibaanada uu ku iibsaday.

Prof. Samatar ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu Dadka Soomaaliyeed Cafis weydiisto maadaama Musuq-maasuq xoogan uu kusoo baxay laguna doortay  haddii kale ay jiraan wax la hoosaasinayo sida uu hadalka u dhigay.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka digay in dowladda cusub lagu soo dhiso qabiil, isagoo sheegay in haddii ay fashilanto dowlada cusub in la wada fashilmi doono.

Si kastaba ha ahaatee, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa madax  ka ah qeybta Joqraafiga, Bii’ada, iyo arrimaha bulshada ee Jaamacadda Minnesota ee dalka Maraykanka, waxuuna arrintaan uu shaaciyay ee ku saabsan Laaluushka uu Farmaajo kusoo baxay noqonaysaa fashil weyn oo Farmaajo soo wajahaya maadaama Bulshadda Soomaaliyeed Xildhibaanadii doorteen u sheegeen inay Lacag la’aan ku doorteen balse waxaa la ogyahay in Lacago laga keenay Iran, Qatar iyo Turkey oo lagu doortay Farmaajo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka.

3 Comments on "Video:-Ma dhabaa in Dawlada Maraykanka cadaadis ku saartay Madaxweyne farmaajo in uu qirto in laaluush lagu doortay"

  1. Prof Samatar, madaxda ka xishoo, oday baa tahay. waa la sotaa iyadoo ay jirto taageerada shacabka haddana xildhibaanadii wax qatay way isaga baahnaayeen xoogaa shaah ah … adiguba waa qaadan laheyde. mahadsanid

  2. Hadalkani waa mid caasinimo iyo wax cambaarayn ku salaysan…
    Ummadda Soomaaliyeed uma baahna shuush iyo carqalad la abaabulo ee waxay u baahan tahay dhiirrigelin iyo talo dantooda uun tusmaysa.
    Bare sare Samatar lagama filayn inuu waxan u quudho Madaxweynahan Shacbigu aad u taageersan yahay.

    Barlammaanka labada aqal ha ka raalli ahaadeen qoraalkan buka ee hurgumadu jiifto… waxannu og nahay inay sameeyeen Barlammaanku wixii uu rabey shacbigoodu… mana jirto cod uu gadtay Jaalle Farmaajo waayo maba haysan lacag uu codad ku iibsado.

  3. waxba isma dhaamaan haduuba kuso baxay lacag ee sidii roon allahayoow

Leave a comment