Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweynihii hore Sh.Shariif oo kulmay Garoonka Aadan-cade

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Safar shaqo ku soo gaaray magaalada Muqdisho.
 
Madaxweynaha Jubaland iyo wafdigii la socday ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin xubnaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya iyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed.
 
Madaxweynaha Axmed Madoobe oo saxaafada kula hadlay garoonka Aadan-cade ee Muqdisho sood haweynta kadib,ayaa ka waramay xaalada Guud ee dalka gaar ahaan Isbadalka ku yimid Hogaanka dalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay Shacabku ka sugayaan wax qabad dhab ah, si looga boxo dhibaatooyinka hareeyay dalka Soomaaliya.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Mdaoobe ayaa kulan kooban ku yeeshay gudaha Garoonka Aadan Cadde, waxa ayna labada masuul ka wada hadleen arimo u gaar ah iyo doorashadii dhawaan ka dhacday Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maalinta Arbacada oo Muqdisho lagu caleemo saarayo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweynihii hore Sh.Shariif oo kulmay Garoonka Aadan-cade"

Leave a comment