Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo isku shaandhayn ku sameeyay Xisbigiisa

Hargeysa-/WAD/XDH/2415/2016 Taariikh: 20ka February, 2017
KU: Dhammaan Masuuliyiinta hoos ku xusan Hargeysa
OG: Dhammaan Gobollada Dalka ee Xisbiga WADDANI Rugtooda
OG: Dhammaan Laamaha Dibedda ee Xisbiga WADDANI Rugtooda
OG: Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee WADDANI Hargeysa

Ujeeddo: Isku-shaandhayn iyo Magacaabis.
Markaan daresay: Qodobka 30aad faqraddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI
Markaan arkay: Baahida loo qabo in Xisbiga lagu sameeyo Isku-shaandhayn
Markaan la tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI
Markaan ku qancay: Kartida iyo Aqoonta ay leeyihiin Xubnaha hoos ku xusani.

Wada-tashi Ballaadhan oo ay yeesheen Hoggaanka, Guddiga Fulinta, Xoghayeyaasha, Masuuliyiinta Gobollada iyo taagerayaasha Xisbiga waxa la isku raacay in la dardar-geliyo hawlaha Xisbiga; maadaama ay dalka ku soo fool leedahay doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland sannadkan 2017, waxaana masuuliyiintan kala duwan ee xisbig lagu sameeyey isku-shaandhayn iyo magacaabis.
No Magac Xilal
1. Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed Xoghayaha Maaliyadda
2. Md. Cali Cabdi Saa’iq Xoghayaha Ganacsiga
3. Md. Xasan Maxamuud Maxamed (Dhiilood) Xoghayaha Arrimaha Gudaha
4. Md. Axmed Cige Maxamed Xoghayaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
5. Md. Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) Xoghayaha Xidhiidhka Gobollada
6. Dr. Idiris Aadan Cali Xoghayaha Waxbarashada
7. Md. Ibraahin Ducaale Boos Xoghayaha Amniga
8. Md. Aadan Axmed Warsame Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
9. Md. Maxamed Haaruun Biixi Xoghayaha Xuquuqal-Insaanka
10. Md. Cismaan Aw-aadan Faarax Xoghayaha Macdanta Iyo Tamarta
11. Sh. Saleebaan Sh. Cabdillaahi Muuse Xoghayaha Khayraadka Biyaha
12. Md. Cabdirashiid Maxamed Adam (Jeeni) Xoghayaha Cilmi-baadhista iyo Horumarinta
13. Md. Axmed Cabdillaahi Xuseen (Al-imaam) Xoghayaha Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
14. Md. Axmed Cali Nuur (Sanweyne) Xoghayaha Warshadaha
15. Md. Jaamac Maxamed Cabdi (Hillaac) Xoghayaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta
16. Eng. Muuse Yuusuf Raabbi Xoghayaha Qorshaynta
17. Md. Yoonis Axmed Yoonis Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
18. Md. Maxamed Xuseen Siciid Xoghayaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga
19. Md. Cali Cabdillaahi Dagaal Xoghayaha Dib-u-dejinta
20. Md. Cabdiraxmaan Maxamed Magan Xoghayaha Siyaasadda
21. Md. Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi (Diini) Xoghayaha Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka
22. Md. Daa’uud Xuseen Jaamac (Foodcadde) Xoghayaha Beeraha
23. Md. Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhegayare) Xoghayaha Tacliinta Sare
24. Marwo. Aamina Cabdillaahi Kaahin (Kidh-mastar) La-taliyaha Guddoomiyaha ee Arrimaha Haweenka
25. Md. Maxamed Yuusuf Cabdi (Mataan) Xoghayaha Guddiga Hanti-dhawrka
26. Md. Axmed Nuur Qodax Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah.
27. Md. Axmed Maxamed Cali (Axmed Dheere) Ku-xigeenka Xoghayaha kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda
28. Md. Maxamed Faarax Cabdi Ku-xigeenka Xoghayaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta
29. Md. Cabdillaahi Digaale Cali Ku-xigeenka Xoghayaha Xannaanada Xoolaha
30. Md. Cabdirashid Saleebaan Muxumed Ku-xigeenka Xoghayaha Ganacsiga.
31. Marwo. Hinda Xasan Idiris Ku-xigeenka Xoghayaha Shaqada iyo Arr. Bulshada
32. Md. Mahad Xaaji Faarax Axmed Ku-xigeenka Xoghayaha Qorhaynta

Waxan ilaahay uga baryeynaa in uu masuuliyiintan u dhib-yareeyo hawlaha shaqo ee Xisbigu u xil-saaray, waxanan kalsooni ku qabnaa in ay hormood ka noqdaan guul Xisbigu ka soo hooyo doorashada Madaxtooyada iyo sidii isbeddel caddaalad iyo horumar ku dhisan looga hir-galin lahaa dalkan Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

_________________________________
Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Be the first to comment on "Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo isku shaandhayn ku sameeyay Xisbigiisa"

Leave a comment