Maamulka Gobolada dhexe ee ay taageeraan Culumada Ahlu-suna oo lagu casumay ka qaybgalka caleema saarka madaxweynaha Fadaraalka

Magaalada Guriceel waxaa goor dhow Kasoo amba bixi doono Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee ay taageeraan Culumada  Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir isagoo ku soo fool leh Magaalada muqdisho.

Guriceel ayaa waxa hada ka socda soo sagootinta waftiga balaaran ee uu hogaaminayo Madaxweyne Shaakir.

Madaxweynaha ayaa Ka qeyb gali doona Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jmahuuriyada Federaalka Soomlaiya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo berito oo Arbaco ah ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horaysay maamulka Gobolada dhexe ee ay taageeraan Culumada Ahlusuna uu helo aqoonsi heerkaa gaarsiisan,si toos ahna uga qaybgalo xafladaha iyo shirarka Somalida ee ay kuwada kulmaan guud ahaan Maamulada Dalka ka jira.

Arintan ayaa dhabar jab ku ah maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,kaasoo sheegta in uu guud ahaan isagu ka arimiyo Gobolada Mudug iyo Galgauduud.

Be the first to comment on "Maamulka Gobolada dhexe ee ay taageeraan Culumada Ahlu-suna oo lagu casumay ka qaybgalka caleema saarka madaxweynaha Fadaraalka"

Leave a comment