Video:-Beesha Ogaden oo isku raacday xubnaha u tartami doona Govener-ka Wajeer county

Waxaa magaalada Wajeer ka dhacay shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen odoyaasha,waxgaradka iyo aqoonyahaniinta Beesha Ogaadeen ee ku dhaqan Wajir county.Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii beeshu isugu waafaqi lahayd sidii usoo saari lahayd musharax beeshu ku midaysantahay oo doorashada soo socota utartama govaneerka Wajir county.Guddi ay beeshu iska dhex qabatay ayaa kala saaray xubnihii isu soo sharaxay xilka govaneerka.Guddiga Beesha ayaa shirka ka iclaamiyay sadax musharax oo Beeshu usharaxday inay ukala tartamaan kursiga govaneerka,kursiga wakiilka haweenka iyo kursiga golaha deegaana ee magaalada Wajeer.Xubnaha sadaxdaas kursi loo sharaxay ayaa kala ah:-

Axmed Muxumed Cabdulaahi—————Beesha Makaahiil/Abraahiin———kursiga govaneerka
Faadumo Geedi Cali……………………..Beesha Bahgari……………kursiga wakiilka haweenka Wajeer county
Cabdirashiid Cabdulaahi…………….Beesha Bahgeri……………kursiga wakiilka golaha deegaanka(MCA)magaalada Wajeer.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Beesha Ogaden oo isku raacday xubnaha u tartami doona Govener-ka Wajeer county"

Leave a comment