Xusidda Af-ka Hooyo Iyo Is Af-Garan Waaga Soo Wajahan.WQ.Abdirahman Geelle

Sannad Walba Maanta oo Kale, 21-Febaraayo, Waxaa La xusaa Af-Soomaaliga, Taas Oo Ku Aadan Qoristii Af-Soomaaliga Ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, 21, 02, 1972, iyadoo lagu dhawaqay in Afka Rasmigaa Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Yahay Af-Soomaali (Maxaa tiri), iyadoo Dhawaanna Loo kala Qaaday Afka Dalka Maay iyo Maxaa Tiri, Sida Ku cad Dastuurka Dawladda Federalka Ee Soomaaliya, Walow Aanan Arag Qoraalo Ama Iskuullo Lagu dhigto May, Marka Ku hadalkiisa laga yimaado.

Xusidda Af-Soomaaligu Ma dhaafto Xaflado, Iyo Sheegid Taariikh dii uu Soo Maray qorista Af-Soomaaligu, iyo Dadaalkii La galiyey, walowba Ay iska Yartahay Meelaha Laga xuso.

Sida ay u duntay Dawladdii Dhexe iyo Qaran jabkii Weynaa ee Dhacay, Ma saamayn oo Kali ah Nolosha Naf iyo Maal ba, ee Wuxuu Saa Meeyey Dhaqan iyo af-gurigii lagu wada Hadli jiray, iyadoo marar dad wada dhashay aysan is af garan karayn sabab kasta ha jirtee.

Majirin cid sigaara isugu xilsaartay Kobcinta iyo Eray bixinta Af-soomaaliga si uu ula jaan qaado Wadciga jira, Iyo Waxkasta oo Is badala Marxalddeeda, marka laga reebo Kuwo buugta uruuriya hadiiba la helo.

“Haantu Guntay Ka Tolan taa” Waa Oraah Muujinaysa Wax kasta Inay leeyihiin Aas-aas iyo Saldhig ay ka unkamaan Lagana Saxo wixii Khaldama, Bulsho ahaan Dhaqankeenna Iyo Nolosha Miyiga oo Noo ahaa Waxa kaliya Ee Saldhigga u ah Af-soomaaliga, Hadday Tahay Suugaanta iyo Ku jaangooynta Erayadda La xulano Ee Cilmiga ku Dhisan. Muddooyinkii Udameeyey Noloshii Miyiga Waa is badashay Sabab kasta ha Ahatee, Laakiin taas Waxaa Ka sii daran Waxbarashadda Ka jirta dalka oo aan ahayn Mid ka turjunta Nolosha dhabtaa ee Bulshada Iyo Baahiyahooda Nololeed.

Inkastoo aysan Jirin Wasaarad waxbarasho oo Awoodeedu gaarsiisan tahay inay Mideyso Manhaj iyo Muqarar waxbarasho Ee Jira, Kuwaas Oo Qolo walba Meeshay Ka hesho caawimada Ka turjunto Danahooda, Si kale haddii loo dhigo, Dugsiyadda Dalka ka jira, qaybaa waxay Wax ku dhigaan Luuqadda Carabiga, Qayb Af-soomaaliga, halka Qayb kalena ay Ku dhigto Ingiriisiga, Waxa la dhigayaa Luuqad kasta Haku baxaane Maaha wax Isku Mid ah, kan Carabiga ku dhigtaa Waxaa loo sheegaa Khaliijka Taariikhdiisa, Dagaaladii Uxud iyo Beder, Kan Af-soomaaliga Ku dhigta waxaa Looga sheekeeyaa, Wayihii Fufka iyo Kacaankii warshadaha, iyo Qaaradaha Adduunka, Halka kan Ingiriisigan Looga sheekeeyo Shucuubtii Khoisan, Mount-kenya iyo Harada Victoria, Markii Uu Dugsi sare iyo Jaamacad tago Maxaa laga filan karaa Ardaygaa Jaah wareerku Ku dhacay?

Dhammaan intaas kor ku xusan, Maaha mid ka turjunta Nolosha Dhaqan dhaqaale ee Qoomiyadda Soomaaliyeed, Mana aha Qof intaas bartay Inuu Garowsan karo Waajibka Ka saran Dadkiisa iyo Dalkiisa, Baahida dhabtaa ee Jirta iyo xal u helidda Xaaladda Murugsan ee Lagu jiro (Qaybo kale Ayaan Ku eegaynaa Manhaj, Iyo Muqarar Waxay yihiin, Hadday suuro gasho).

Ardayda Aaddey Waddanka Dibadiisa qolo walba waxay La janqaaday afaf kale iyaga oo Afkii Hooyo Ku dhexdaray Luuqadda uu Wax ku baranayo, Taas oo keenta in la is fahmi waa bulsho markuu dalkii Ku laabto.

Tusaale ardayga Ingiriska wax ku Bartay Hadduu Ku sheegayo Jaamacad hebla waxaa Ka dhacaya Xaflad Soo xiritaanka Ardaydii Ka dhamaysay Kuliyadda Dhaqaalaha, Wuxuu kuu sheegaya “Maanta Jaamacad helba Kuliyadda Economics ka Baa graduation -koodi Dhacayaa”

Halka kan Carabiga wax Ku bartayna Ku leeyahay “ Kuliyadda IQTISAADIYAADKA BAA TAKHARUJAYSA!, Maanta”

Haddii qof ka Yimid Waddamada Kenya ama Tanzaniya Ayaguna waxay Kuu sheegayaan “ Maanta Kuliyadda Uchumiga Baa Mahafali leh!”

Dhanka kale Siyaasigii Markuu Yimaado Goob fagaaraa oo Kuu dadka Kala Hadlo, Hadaladiisa Ugu badan ee Uu Dadka U sheegayo Intooda badan Waa Af-qalaad siiba meshu ka yimid. Waxaa maqlaysaa Masuul leh “ Securtyga Dalka Iyo Developments kiisa baannu Wax ka qabanay Sannadihii Ugu dameeyey”

Ku darsoo Dhanka kale Idaacadaha la iska Maqal arko iyo Kuwa Qoraalka wax kusoo Gudbiya Qudhoodu malaha tifatire iyo kala haadiyayaal Wararka la qorayo, Isaga oo Aan ba Luuqad qalaad wax ku qorin buu Haddana Wuxuu kuu sheeyago yihiin Af-soomaali Tayadiisu Liidato, Tusaale waxaa Inoo ku Filan mid ka midah Warbaahinadaas inay 02, Bishaan Ay qortay “In Maxkamadda Caalimagaa La safatay Soomaaliya Arintii Xadaynta Badda” taas oo Dad badan Ku keentay In kalsooni kala Ka noqdaan Idacaddaas.

Gebagabo.

Afka soomaaligu Haddii uu siddaas iyo Habqankaas kusii Jiro Waxaan shaki ku jirin In uu ka mid noqon doono Luuqadaha Dabar Go’a labataneeyadda Sano ee Soo socda, Shakina kuma jiro Dadka Soomaaliyeed, Inaysan Is afgranayn, Una baahan yihiin Cid Ukala tarjunta. talo ahaanna Waxaa Muhiim ah In waddanku Yeesho waxbarasho (Manhaj Midaysan), Ciddii Hadda Wadda dadaalkaa, waddana sii waddo.

Be the first to comment on "Xusidda Af-ka Hooyo Iyo Is Af-Garan Waaga Soo Wajahan.WQ.Abdirahman Geelle"

Leave a comment