Video+Sawiro:-Munaasabadii Caleema saarka Madaxweyne farmaajo oo si qurux badan kusoo idlaatay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la doortay sideeddii Febraayo, ayaa maanta lagu caleemo saaray munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda Caleema-saarka, waxaa marti ku ahaa, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Seekh Shariif Sh. Axmed, Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti, Madaxweynaha Kenya, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, wakiillo ka socdey waddamada Caalamka, waxaana yimd munaasabadda madax ka socotay 124 dal.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu u mahad-celinayo dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in sugidooda amniga ay suurto-gelisay inay doorasho dalka ka qabsoonto.

Madaxweyneyaashii iyo guud ahaan marti sharaftii kale ee  ka kala timid 124-ta wadan ee kasoo qaybgalay munaasabada  caleema saarka Madaxweynaha Fadaraaka Somaliya ,ayaa si nabad ah dib ugu laabtay Dalalkoodii ,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

  

Be the first to comment on "Video+Sawiro:-Munaasabadii Caleema saarka Madaxweyne farmaajo oo si qurux badan kusoo idlaatay"

Leave a comment