Gaas: Hoggaan Jilicsan Yahay Hal Baan Ka Leeyahay.Qore:-Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Waxaan ku bilabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Caddaaladdu waa shay muhiim u ah naftaada iyo bulshada aad la nooshahay ee kugu xeeran, waxayna kuu hagtaa inaad ifkaan aadamaha kula noolaato wanaag aakhirana aad mutaysato abaal maran wanaag ah…. Haddii aad shaqsi ku tilmaanto waxaanu ahayn waa caddaalad xumo aad ku samaysay shaqsigaas, dhinac waa ka xan oo waa xuma ka sheegid shaqsigaas, arintaasna Rabbi swtc waa caayey… Haddii aad ku ammaanto waxaanu ahayn iyaduna waa caddaalad xumo oo waxaa ku luga’aya dad badan oo rumaystay ammaantaas aanu mudnayn ee aad ku sifaysay, taasna maaha arin wanaagsan waxayna leedahay cawaaqibteeda oo waa been…

Markaan usoo noqdo cinwaanka kore ee lagu dhex faafshay shacabka Puntland, waxaan u arkaa caddaalad xumo iyo xad gudub lagu sameeyey shaqsigaas aadamaha ah, ee ah hoggaanka sare ee Dawladda Puntland… Somalidu waxay tiraahdaa ruux hadaad doonaysid inaad baratid wuxuu yahay… Jid la mar ama Jidiin la cun ama Jadab la deg… Hoggaamiye saddexdaas waxaa kala fal galay Hoggaamiye kale, ruux aan hoggaan soo marina ma garan karo, wuxuu ka sheegaana waa faduul… Hogaamiyayaashu waa laba nooc… Mid kursiga aad ku fadhid kaaga horeeyey iyo Mid kursi kale ku fadhiya oo aad kala maamul tihiin… Dhanka waqooyi galbeed waxaa inaga xiga Maamulka Somaliland, dhanka Koonfur waxaa inaga xiga maamullo kala ah, Galmudug, Gobolada Dhexe,  Koofur Galbeed, Jubbaland iyo DF oo ku mgacawnayd maamulka Guud ee Somaliya oo dhan…

Somaliland waxaan hawada kawada dhagaysannay in Xisbiyada Mucaaradka ahi aanay afka isku darin, khaasatan Waraabe… Siilaanyo waxaan ka dhagaysannay markuu wuxuu sheego garan waayey inuu hawada ka yiri Gaas ayaa Telka iga Raali geliyey, markii gogosha loo fidiyey dhammaan oday dhaqameedyadii dhidibada u aasay maamulka Puntland… Arintaas oo nabar xun ku noqotay kadib markii odoy dhaqameedyada kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn ay Wakiilkii UN ta Somaliya u fadhiyey u gudbiyeey warqaddii saxiixa ahayd ee lagu asteeyey dhismihii Dawladda Puntland ee 1998kii… Hirdidaas xun ee ku dhacday Somaliland waxay u weecdeen Ali Khaliif, iyagoo ujeedkoodu ahaa inay kala furfuraan shacabka SSC… Waxaan filayaa ruuxaan horay u ogayn hadday u muuqataa ujeedkii Ali Khaliif… Ruuxii aan taasi ka dhaadhacsanayn ha eego hankii hore ee Ali Khaliif ee ku aaddanaa Loollanka Jagooyinka Sare Ee Somaliya… Hankii noocaas ahaa maxaa kallifay inuu Geed Hoostiis intuu Fariisto Yiraahdo Hallaygu Caano Shubo oo uu bareero Bahdilkaas….

Galmudug waxaa Hoggaamiye ka kala ahaa Abdiqaybdiid iyo Guuleed… Sidaan warbaahinada kala soconnay xilligii uu Abdiqaybdiid Hoggaamiyaha ahaa waxaa dhacday iska hor imaad siyaasadeed kadib markii  Gaas ka joojiyey lacag dadka qaar ku tilmaami jireen baad ee ay ka qaadan jireen Garoonka Abdullahi Yusuf… Arintaas waxay sababtay in Abdiqaybdiid ku dhowaaqo inuu joojiyey dhammaan diyaaradihii soo caga dhigan jiray garoonkaas… Gaas wuxuu amar ku bixiyey diyaaraddii kasoo degan wayda in laga mabnuuci doono inay soo caga dhigato garoomada Puntland oo dhan… Labadaas amar ee kasoo kala baxay labada Hoggaamiye waxay dhashay in Abdiqaybdiid ka baxo Gaalkacyo, ka bixitaankaas uu ka baxay Gaalkacyo waxaa ka dhashay falal sababay in Abdiqaybdiid Nabadoonkiisu ku dhinto gacanta Askartii Abdiqaybdiid… Maalmo ka dibna uu kusoo noqdo Gaalkacyo markii waxba ka socon waayey ujeedkii uu lahaa… Waxaan la wada soconnaa inuu warbaahinada ka hadlay oo ku tilmaamay Gaas inuu u haystay aqoon yahan haddana uu arkay inuu yahay dagaal ooge, taas oo macnaheedu yahay… Waxaan u ahaystay nin aan dhaafsanayn qalinka buugaagta loogusoo xariiqay ee uu yahay ruux aan madaxa ka rogonayn haddii xumaan lala soo doonto…

Waxaa ka danbeeyey maamulkii Damjadiid iyo Dawlado ka mid ah caalamka ay dabada ka riixayeen kharashka badanna kaga baxay… Damjadiid iyo dawladahaasiba waxay go’aamiyeen in maamulkaasi ka kooban yahay Galgaduud iyo Mudug oo dhan oo ah ilaa magaalada Xarfo… Arintaas waxaa ganafka ku dhuftay Gaas wuxuuna xariggii u jaray DF… Waxaa fashil arinkaas kasoo gaaray Dawladihii dabada ka riixayey ee caalamka ka mid ah, diidmadaas si wax looga qabto waxaa Puntland loosoo diray Raysalwasaarihii markaa talada hayey ee ahaa Abdweli… Loolan iyo legdan dabadeed waxaa laysku raacay in xuduudaha Puntland ay yihiin lama taabtaan… Arinkaas wuxuu caro geliyey Hoggaankii DF ilaa ay xaajadii ka gaartay in Raysalwasaari Abdiweli kalsoonidii lagala noqdo… Markii arinkaasi lagu guulaystay waxay bilaabeen inay hadafkoodii hore halkii kasii wadaan… Gaas wuxuu ku dhawaaqay inaanu aqoonsanayn maamulkaas, cawaaqibtii meeshaas ka dhalatana ay qaadi doonaan Dawladaha ka danbeeya iyo DF… Waxay isku dayeen inay la yimaadaan khayaamo cusub waxay Dastuurkii Galmudug ka saareen Dhammaan dhulkii Puntland ee ay awal ku asteeyeen dastuurkaas, macno waynse ma aysan samayn maaddaama uu arinkaa cusub ka hor imanayey Dastuurka DF ee oranayey maamul waxaa noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan… Gaas wuxuu kasoo saaray inaanu aqoonsanayn lana fariisanayn Hoggaamiye hareer marsan Dastuurka DF… Si hadalkaas loo jebiyo waxay Dawladahaas iyo DF ka alooseen Colaad gobolka Mudug iyagoo uga gol lahaa inay Puntland ku tilmaamaan Nabad Diidayaal Maaddaama hoggaamiyihii Puntland diidan yahay la fariisiga Hoggaamiyaha aan sharciga ahayn… Gaas ma noqon macangag ay ku hodi karaan khayaamadaas ay u maleegayen shacabka iyo Dawladda Puntland… Dharbaaxo kulul markii la gaarsiiyey dhagartay wateen Dawladahaas iyo DF  Guuleed na ka cararay Gaalkacyo, ayaa Hogaamiyaha Puntland aqbalay in nabad laga wada hadlo si aanay u helin marmarsiiyo ay ku khatalaan shacabka iyo Dawladda Puntland Dawladahaas iyo DF…

Arintaasi markay dhacday warbaahinta u adeegaysay Dawladahaas iyo DF waxay meel kasta marsiiyeen in Gaas ka noqday Go’aankiisii ahaa inaanu aqoonsanayn maamulka hareer marsan Dastuurka DF iyagoo farta ku fiiqay wada fariisigii Gaas iyo Guuleed… Arintaas waxaa baasiin kusii shubay Danaystayaal u dhashay Puntland oo laba nooc kala ahaa… Kuwa DF kasoo qaatay Balaq iyo kuwo watay Damac Siyaasadeed… Shacabka qaarkiis Hoos uma eegin hagardaamadaas iyo dhagartaas loo maleegayey ee waxayna raaceen khaa’inimadii ay wateen Danaystayaasha u dhashay Puntland, DF iyo Dawladaha qaar ee ka ah Caalamka… Xaqiiqda jirtaase waxay ahayd inaan meelna looga wada hadlin aqoonsiga Maamulkaas ee laga wada hadlayey in laga shaqeeyo Nabad Gelyada Iyo Xasiloonida… Ruuxaan intaasi u muuqan dib ha u eego sababta soo celisay Dagaalkii Gaalkacyo oo ay ka qayb qaadanayeen Ciidamadii Qaranka oo masuuliyadoodu ahayd inay difaacaan Shacabka Somaliya oo dhan oo ay ka mid Shacabka Puntland, xiisaddiina wali taagan tahay… Shacaboow Haddii Gaas Aqbalay Maamulkaas Maxaa Xiisaddii Wali Taagay Is Waydiiya Middaas…

Maamulka Koofun Galbeed waxaa Hoggaamiya ka ah shaqsi ay Somalidu ku tilmaanto inuu aad u dhagar badan yahay dhanka Siyaasaddana ku naaxay oo uu muruq kula baxay lixaad leh…. Hogaamiyahaas caanka ku ahaa arinkaas waxaan ka dhagaysannay war baahiyayaasha isagoo ku cataabaya in Gaas yahay Madaxwaynaha Qarsoon Ee Somaliya… Taas oo Macnaheedu Tahay inuu kaga adkaaday dhankii Siyaadda… Ogoobeey Sharafiif Xasan waxaa lagu tilmaami jiray Gafane Siyaasadeed… Dadka qaarna waxay u yaqaaneen Shariif Sakiin…

Legdenkii hab u qabsiga 4.5 Gaas wuxuu ahaa Hoggaamiyihii keli ahaan genefka ku dhuftay habkaas, wax kasta oo lasoo horhigayna wuu diiday wuxuuna doortay aragtidii shacabkiisu ay qabeen… Waxaase dhacday in Dawladaha caalamka UN IGAD iyo Ururka Midawga Africa ay xoog ku saareen sidii ay u ogaylaysiin lahaayeen… Meelkasta oo ay uga yeeraan waxay ku kari waayeen inuu aqbalo hab u qaybsigaas… Hadalna wuxuu ka gaarsiiyey hadday soo ka xaystay Hoggaamiyaha UN ka xataa la i marsiin maayo… Taas o macnaheedu ahaa haddaan Shacabkaygu Lugta i qaban si kale la iiga adkaan maayo mana yeelayo… Waxaa dhacday in Dawaladihii Caalamaka, IGAD, Midowga Africa ay isugu yimaadeen magaalada Garowe… Gaas arinkaan guddi ayuu u saaray sidaan warbaahinada kala soconnay, Guddigaas oo ay ku jireen siyaasiin xilal kasoo qabtay Puntland, foodda ayaa lays daray, xarig jiid xoog badnaa ayaa ka dhacay… Waxaa dhacday in Guddigaas lasoo jiiray arintiina ay dul Hogatay Gaas Keligii, waxaa taas sii raacay tobankaas cesho oo xarig jiidkaasi socday Shacabka Puntland kamay qayb gelin xarig jiidkaas. ma aysan jirin hal magaalo ama tuulo uu ka dhacay bannaan bax mudaddaas tobanka cisha ahayd ee uu socday xarig jiidkaasi… Xaal markuu halkaas marayo Gaas wuxuu qaatay go’aan uu ku sugayey xuduudaha Puntland ee muranka ku jiray, wuxuuna gacantooda kaga saxiixday in Maamulka Puntland ka kooban yahay Goboladii 1998dii dhidibada u aasay iyo kuwii waqtigaa ka bacdi kusoo biiray oo ay ka mid ahaayeen Saaxa iyo Tawfiiq… Arinkaas markay saxiixeen ayuu ku raacay nidaamkay wateen isagoo ugu dhigay waji kale oo ah in shacabku doortaan xildhibaanada… Waxaan markhaanti ka nahay Xildhibaanadii aqalka hoose halkay kasoo baxeen, halka xildhibaanada aqalka sare laba ka mid ah qorshihii lagu heshiiyey ay garab mareen…

Dhanka faragelinta doorashadii DF dhowaan ka dhacday… Waxaan daah inaga saarnayn in loo legdamayey afar waaxood oo kala ahaa Dir, Hawiye, Digil Mirif iyo Daarood… Axmed Madoobe waxaa laga codsaday inaanu xiddig kusoo darin xildhibaanada maaddaama ay daba ka riixayeen Damjadiid, arintaas aqbal lagama helin, waxaase dhacday markuu arkay madax adaygiisii foolxumada uu dhaxal siin karo ayuu isagoo dhegaha dhogor ku yeeshay isasoo taagay Xamar oo loollankii lagula legdamayey Xiddig ka qayb galay, Gaas na wuxuu ka mid ahaa raggii horaan iyo gadaalba arinkaas xarig jiidka ugu xoogga badnaa dhankiisa ka jiidayey… Markii arinkaa laga neefsaday ee loosoo gudbay Madaxii sare waxaa dhacday in Ethopia ay legdan xoog leh gashay iyadoo ka duulaysay in shaqsi Daarood ahi kusoo bixin Jagadaas iyadoo sabab uga dhigtay inaan deganaansho wanaagsan Xamar ka dhalanayn… Hogaamiyaashay qasabtay waxaa ka mid ahaa Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe iyadoo ugu Hunbaalaysay inay Ciidamadeeda ka qaadanayso, hanjabaaddaasi labadaas hoggaamiye waxay ku keentay inay raacaan arintaas Ethopia wadatay… Gaas iyo raggii xarig jiidkaas kala qayb galay waxay ku guulaysteen inay ka adkaadaan Dawlado Caalamka ka mid ah, Ethopia iyo Damjadiid… Guushaas ammaanta iyo Bogaadinta Mudnayd waxaa qaylo afka ku shubtay Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo Gaas ku eedeeyey inuu faragelin ku sameeyey doorashadii ka dhacaysay DF… Anigu shaqsiyan madaxaan xoqxoqday oo waxaan is iri… TOLOOW MA RAYSALWASAARE AYEEY EEXAYSANAYEEN INAY HELAAN… Ogoobeey markii Xasan Shiikh Doorashaduu ku soo baxay lagu loolamayey Puntland waxay wadatay Jurille oo ku Jihaysnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, arinkaasna uu fashilmay ka dib markii bulshada Daaroodka oo dhan dibad iyo gudaba ka hortimi qasdigii maamulka Puntland watay ee Jurri…

Gabagabadii

Markaan Allah swtc ka baqno oo aan nafteenna Eex ka ilaalino intaas aan kor kusoo xusay oo dhammaantood ay tahay dhacdooyin aan markhaanti ka wada ahayn oo aan war baahinada kala wada soconnay…

Haddii Abdiqaybdiid ka dhawaaqay oo waliba ku dhaawacmay… Haddii Guuleed ka dhawaaqay oo uu waliba halis galay… Haddii Damjadiid ka dhawaaqeen Guuldarro xunna la kulmeen…

Toloow Hoggaan Jileeca La Sheegayo Garan Maayee Yaa Ii Sheega….

Ogoobeey Maanta Somaliya Abaar Xun Ayaa Kawada Dhacday…. Maamulka Keliya ee Dhammaan Gobolada Somalidu Degto Ugasoo Wada Hayaameen Waa Maamulka Puntland Oo Nabad Gelyo Soo Dhowayn Qiima Badan Kala Kulmeen… Ilaa Saacaddaan Aan Joogno Ma Haynnon Dawlad Adduunkaas Ka Mid Ah Oo Arinkaas Ku Ammaantay Puntland…

Garan Waayey ee Toloow Ma Anigaa Dhoohan Oo Aan Wax Kala Ogayn….!!! Mise Shacabkii Puntland Ayaan Hoosba Waxba U Eegayn…

Malaa Anigaa Dhoohan Oo Dammiin Ah…..

 

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore:                         Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Email:                        aadciiltire@gmail.com

Facebook:                  https://www.facebook.com/Guureey

Website:                     https://aadciiltire.wordpress.com/

Facebook Page:         https://www.facebook.com/AADCiiltire

 

NB……. Ruuxii u isticmaala inuu isagu leeyahay Allah ayaan u wakiishay Raalina kama ahi…

1 Comment on "Gaas: Hoggaan Jilicsan Yahay Hal Baan Ka Leeyahay.Qore:-Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)"

  1. Miss puntland | February 22, 2017 at 4:16 pm |

    Well say bro ciiltire

Leave a comment