Video:-Khudbadii qiimaha badnayd ee Madaxweyne Farmaajo maanta jeediyay

Madaxweynaha la caleema-saaray ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey dowladihii ka horreeyey oo u sheegay in dalka ay soo gaarsiiyeen meesha uu maanta joogo, sida doorashadii dalka ka dhacay.

Waxa uu sheegay in dalka muddo uu burbur ku soo jiray, waxa ugu muhiimsanna ay tahay nabadgalyada, xuquuqda ciidammada ayuu xusay in dowladdiisa ay mar walba bixin doonto, waxa uu u mahadceliyey ciidammada AMISOM, hasa yeeshee waxa uu carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay dhammeystirka dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Abaaraha dalka aafeeyey, ayuu sheegay in dowladdiisa ay ka leedahay istaraatiijiyad weyn oo lala kaashan doono khubarro, si looga hortago abaaraha soo laa laabtay.

Caddaaladda ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay sal u tahay amniga, shacabkuna looga baahan yahay in ay dowladda ku gacan siiyaan arrinta nabadda iyo xasiloonida dalka, kooxanaha Al-Shabaab ayuu sheegay in uu dhammaadey waqtigii ay ummadda dhibaateyn jireen oo hadda kaddib loo midoobey la dagaallankooda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa sheegay in  Soomaaliya lagu sheego dalka ugu musuq musuqa badan caalamka, ammaanada shacabku ayuu xusay in ay ilaalin doonto dowladda, isla markaana laga wada shaqeyn doono cirib tirka musuqa, si Soomaaliya looga dhigo waddanka ugu musaqa yar adduunka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Khudbadii qiimaha badnayd ee Madaxweyne Farmaajo maanta jeediyay"

Leave a comment