Video:-Madaxweynayaasha Somaliya iyo jabuti oo maanta si wadajir ah u dhagax dhigay safaarada jabuti ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo bur bursanayd.

 

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in maanta ay u tahay maalin taariikhi ah, maadaama uu dhagax dhig ku sameeyay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in taasi ay tahay mid sii xoojineyso xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

 

 

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ku shaqeynayay xarun KMG ah oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wixii maanta ka dambeeya marka la dhameystiro dhismaha xarunta safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Madaxweynayaasha Somaliya iyo jabuti oo maanta si wadajir ah u dhagax dhigay safaarada jabuti ee Muqdisho"

Leave a comment