Video:-Toos u Daawo Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Fadaraalka

Munaasabad lagu caleemo saarayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka socota magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ah oo ka qeyb-galaya madax ay ka mid yihiin madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale goob joog ka ah munaasabadda.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale goob joog ka ah munaasabadda.

Waxaa sidoo kale, munaasabadda jooga wufuud heer sare ah oo ka socda dalal kale oo Carbeed iyo kuwa Afrikan ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in howlo adag ay horyaalaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka daawo muuqaalka oo Toos ah caleema saarka Madaxweynaha fadaraalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Toos u Daawo Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Fadaraalka"

Leave a comment