Wakiilada 124-dal oo kasoo qaybgalay Caleema saarka Madaxweynaha Fadaraalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda lagu caleemo saarayaa magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
 
Waxaa munaasabadda ka qeybgalaya madax ka socota dalalka IGAD iyo wakiillo ka kala socda dalal badan iyo hay’ado caalami ah.
 
Waxaa caasimadda Soomaaliya gaaray illaa iyo hadda seddax hogaamiye oo ka kala socota Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
 
Uhuru Kenya, Hailemariam Desalegn, iyo Ismaaciil Cumar Gelle ayaa Muqdisho u tagay si ay uga qeybgalaan caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, maxamed Cabdullahi farmaajo.
 
Mr Keating, wakiilka UN ee Soomaaliya ayaa sheegay inay si wada jir ah ula shaqeynayaan dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
 
Wuxuu ka codsaday inuu dhiso dowladda wax ka qaban karto dhibaatooyiinka dalka Soomaaliya haysto si dalka uu cagahiisa isugu taago.
 
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa madaxweyne farmaajo weydiistay inuu qaado masuuliyad wanaagsan oo uu ku wajahayo dhibaatooyiinka taagan.
 
Wuxuu u mahadceliyay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu uu ku tilmaamay inuu yahay hogaamiye wax badan ku guuleystay.
 
“Waxaan dadaal geliyay inaan gacan ka geysano amniga. Markaad ra’iisul wasaaraha ahayd waxaad naga caawisay inaan xamar ka xureyno Al-Shabaab”, ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.
 
“Waxaad soo celisay rajada dadka iyo in la helo dowladda wanaagsan”. ayuu yiri.
 
“AMISOM dhinacaaga ayey taagan tahay wayna ku taageereysaa, madaxweyne”, ayuu hadalkiisa ku soo qatimay, Danjire Francisco Madeira
 
Waxaa caleemo-saarka madaxweyne farmaajo ku sugan wakiillo ka kala socda 124 dal.
 
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay muujisay inay meel wanaagsan gaartay, maadaama wakiillo badan ay ka qeybgaleen xafladda caleemo saarka.
 
“Madaxweynaha cusub si gaar ah ayaan ugu muujineynaa galgacal iyo wada shaqeyn. Waan la garab taagannahay muruq iyo maal intaba”, ayuu yiri Gelle.
 
“Waxaan jecelnahay in Soomaaliya ay soo ceshato cisigeeda iyo sharafteeda”.
 
“Inaad sidii lagugu yaqaanay inaad u shaqeyso. Waa inaad muujiso kalsoonida dadka ay kugu qabaan”.
 
“Garab siiyo madaxweynaha, tusa inaad caawineysaan oo hareerihiisa joogtaa. Soomaaliya maanta waxyar ma horyaallaan. Nolosha malaayiin qof ayaa halis ku jirta”, ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti.
 
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya u fadhiya Stephen Schwartz ayaa sheegay sida doorashada ay u dhacday iyo sida xilka la isugu wareejiyay ay muujinayaan hormarka Soomaaliya ay ku socoto.
 
“Waxaan halkan u joogaa inaan xaqiijiyo sida dowladda mareykanka ay diyaar ugu tahay inay la shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya”, ayuu yiri Stephen Schwartz.
 
Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, Dr. C. Kani Torun, ayaa sheegay inay hubaan in Soomaaliya ay ku socoto inay noqoto hogaamiyaha gobolka geeska Afrika.
 
Wuxuu sheegay in Turkiga uu sii wadayo taageerada hormarinta Soomaaliya.
 
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in “Fursad weyn ayey ii tahay inaan maanta meeshaan aan taagnaado oo ka hambalyeeyo guusha Soomaaliya ay gaartay. Waxaan sidoo kale u hambalyeynaayaa Xasan Sheekh Maxamuud oo si nabad ah xilka ku wareejiyay.
 
“Marxalad cusub ayaan galeynaa marka dhinaca dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda laga fiiriyo, aniga waxaan diyaar u ahay inaan kula shaqeeyo”, ayuu yiri.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa la doortay horraantii bishan, wuxuuna ka guuleystay madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu khudbadiisa diiradda ku saaro, amniga, musuqa, dowladda uu soo dhisidoono iyo abaaraha.
 
Waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo sida uu amniga u sugi doono ama uu ula dagaallami doono Ururka Al-shabaab.
 
Sidoo kale horey ayuu u shaaciyay in si degdeg ah abaarta wax looga qaban doono. Wuxuu ku dhawaaqay gurmad loo sameeyo dadka ay abaaraha saameeyeen.
 
Waxaa loo maleynayaa inuu hadalkaasi uu xoojin doono.
 
Muqdisho waxaa ka socoto xafladda lagu caleemo saarayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo.
 
Xafladda ayaa ka socoto Afisyone, gaar ahaan hoolkii lagu qabtay doorashadii uu Farmaajo ku guuleystay.
 
Waxaa la filayaa inay ka qeybgalaan wakiillo ka kala socdo iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta, Qaramada Midoobeey iyo Midowga Yurub.
  

Be the first to comment on "Wakiilada 124-dal oo kasoo qaybgalay Caleema saarka Madaxweynaha Fadaraalka"

Leave a comment