Shaqaale Samafal ah oo lagu afduubtay Duleedka Beledweyne

Seddex qof oo Soomaali ah oo ka mid ah, shaqaalaha samafalka hay’adda Save the Children iyo darawalkii gaariga u waday ayaa maanta laga afduubtay deegaan lagu magacaabo Xujuub oo qiyaastii 10 KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Baledweyne.

Wali lama sheegin kooxda wax afduubtay, laakin deegaanka uu afduubka ka dhacay waxaa ka howlgala kooxda Al-Shabaab.

Shaqaalaha ayaa degaanka u tagay howl samafal ah, waxaana ay ka qeybinayeen cuntada loo isticmaalo nafaqo darida ee Plumpnet.

 

Be the first to comment on "Shaqaale Samafal ah oo lagu afduubtay Duleedka Beledweyne"

Leave a comment

 
%d bloggers like this: