Video+Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo gaaray Sacuudiga lana kulmay Boqorka Dalkaas

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday markii ay ka degeen magaalada Riyaad,waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Riyad Boqor Feysal bin Bandar bin Cabdulaziz iyo Dr. Musaed bin Mohammed Al-Aiban oo ah Wasiiru dowlaha Boqortooyada Sacuudiga.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Safiirka Soomaaliya ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Boqorka Sacuudiga Boqorka Salmaan,iyagoo kawada hadlay xaaladda guud ee dalka Somaliya iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo abaaraha ka jirta qeybo ka mid ah dalka oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

Be the first to comment on "Video+Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo gaaray Sacuudiga lana kulmay Boqorka Dalkaas"

Leave a comment