Bam gacmeed lagu tuuray darbiga danbe Bankiga Dhexe ee Bosaso

Magaalada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa waxaa Goor dhawayd oo galabta ah abaaro 5:30 Daqiiqo ah waxaa ka dhacay Labo Qarax oo banbaanada Gacanta laga tuuro ah.

Qaraxyadan Banbaano ayaa Waxa ay ka dhaceen inta udhaxaysa dhabarka danbe ee Baanka dhaxe ee Magaalada Bosaaso iyo Jaamacada PDM.

Waxaa isla markiiba goobta ka baxsaday dadkii ka danbeeyay Qaraxyadan.iyadoo khasaaraha ka dhashay Qaraxan uu gaarayo dhaawac fudud oo hal qof kasoo gaaray.

Ciidamada amaanka  ayaa goobta soo gaaray ,iyagoo halkaas ka bilaabay  baaritaano ku aadan Dadkii kadanbeeyay Qaraxyadan ah bam Gacmeedka.

Be the first to comment on "Bam gacmeed lagu tuuray darbiga danbe Bankiga Dhexe ee Bosaso"

Leave a comment