Ra’isalwasaaraha magacaaban oo ay ka muuqato Deg-deg iyo Khibrad yari

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maanta la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar, iyadoo Safiirka uu soo dhoweeyay magacaabista Mr Kheyre.
 
Safiirka UK ayaa sheegay in dowladda UK ay si dhow ula shaqeyneyso Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono, Wuxuuna sheegay in UK ay ugu deeqday Soomaaliya lacag gaareysa boqol milyan oo Gini oo ah gargaar cusub, si wax looga qabto abaaraha, iyo xaalada 600,ooo carruur oo soo wajahday xaalad nafaqo darro ah.
 
RW magacaaban ee Xassan Cali Khayre ayaan helin kalsoonida Baarlamaanka Fadaraalka,walina qaanuuniyan uma aha RW rasmiya ilaa uu baarlamanku ansixiyo magacaabistiisa.
 
Sidaas daraadeed, uma wanaagsana inuu si muuqata faraha ula galo hawlaha rasmiga ah ee dawladda inta uu ka helayo ansixinta golaha shacabka.
 
Taasina waxay ka baajinaysaa in uu u muuqdo Nin degdeg iyo khibrad yari ay ku jirto oo aan si dhab ah u fahan sanayn hannaanka dawladnimo.

Be the first to comment on "Ra’isalwasaaraha magacaaban oo ay ka muuqato Deg-deg iyo Khibrad yari"

Leave a comment