Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo dib ugu soo laabtay Bosaso

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta 24, Febuary 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntlabnd, waxayna kasoo laabteen magaalada Muqdisho iyagoo ka qayb galay munaasabaddii caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehelinayay Guddoomiyahya Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha Dawladda iyo saraakiil ka mid ah Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna ka waramay safarka uu kaga soo laabtay magaalada Muqdisho ” Waxaan kasoo qayb galnay munaasabaddii caleema saarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen madax kala duwan, farxad ayayna noo tahay inaan qayb ka ahaano geeddi socodka Soomaaliya oo meel wanaagsan marayay, waxaan hambalyo mar kale u dirayaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magcaabay waxaana rajaynayaa in ilaahay u sahlo shaqadana u fududeeyo, waan ku faraxsanay sidoo kale in waddankii oo nabad ah aan kusoo laabano” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

 

Be the first to comment on "Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo dib ugu soo laabtay Bosaso"

Leave a comment