Video:-Donald Trump”In nukliyeerka nalooga dheereeyo ma doonayno”

Hadalkiisii ugu horeeyay ee uu ku soo qaado hubka nukliyeerka tan iyo intii uu xafiiska la wareegay, ayaa madaxweyne Donald Trump wuxu ku sheegay in uu doonayo in Maraykanku kordhiyo saanadiisa nukliyeerka.

Trump wuxu sheegay in ay “fiicnaan lahayd” in aan dalna hub nukliyeer ah yeelan laakiin hadii ay dhici wayday ay tahay in Maraykanku “ugu awood bato”.

Wuxu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Maraykanku “hoos uga dhacay heerkii ku haboonaa ee awoodiisa nukliyeerka”.

Trump oo waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyey Reuters ayuu ku yidhi “anigu waxan ahay qofka keliya ee jeclaan lahaa in aan cidina hub nukliyeer ah samaysan, laakiin ma doonayo in dal kale naga hub bato xataa haduu yahay wadan aanu saaxiib nahay. In nukliyeerka nalagaga dheereeyo ma doonayno”.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Donald Trump”In nukliyeerka nalooga dheereeyo ma doonayno”"

Leave a comment