Video:-Madaxweyne Gaas”Waxaan hanbalyo mar kale u dirayaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay waxaana rajaynayaa in ilaahay u sahlo shaqadana u fududeeyo,”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta 24, Febuary 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxayna kasoo laabteen magaalada Muqdisho iyagoo ka qayb galay munaasabaddii caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka  1aad

 

 

Madaxweynaha ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna ka waramay safarka uu kaga soo laabtay magaalada Muqdisho ” Waxaan kasoo qayb galnay munaasabaddii caleema saarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen madax kala duwan, farxad ayayna noo tahay inaan qayb ka ahaano geeddi socodka Soomaaliya oo meel wanaagsan marayay, waxaan hambalyo mar kale u dirayaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay waxaana rajaynayaa in ilaahay u sahlo shaqadana u fududeeyo, waan ku faraxsanay sidoo kale in waddankii oo nabad ah aan kusoo laabano” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

Be the first to comment on "Video:-Madaxweyne Gaas”Waxaan hanbalyo mar kale u dirayaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay waxaana rajaynayaa in ilaahay u sahlo shaqadana u fududeeyo,”"

Leave a comment