Video:-Rw Khayre iyo Safiirka Uk ee Soomaaliya oo kulankii ugu horeeyay wada qaatay

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maanta la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar, iyadoo Safiirka uu soo dhoweeyay magacaabista Mr Kheyre.

Safiirka UK ayaa sheegay in dowladda UK ay si dhow ula shaqeyneyso Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono, Wuxuuna sheegay in UK ay ugu deeqday Soomaaliya lacag gaareysa boqol milyan oo gini oo ah gargaar cusub, si wax looga qabto abaaraha, iyo xaalada 600,ooo carruur oo soo wajahday xaalad nafaqo darro ah.

Sidoo kale Safiirka UK ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub qaban qaabada shir heer sare ah oo ay marti gelineyso dowladda UK, kaasoo dhowaan ka dhici doono magaalada London, waxaana Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb geli doona dowlado badan, iyadoo looga hadlayo arrimaha amniga, dhaqaalaha, abaaraha iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaana la filayaa in Soomaaliya loogu deeqo dhaqaale,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Rw Khayre iyo Safiirka Uk ee Soomaaliya oo kulankii ugu horeeyay wada qaatay"

Leave a comment