Warbaahin ay ku jiraan BBC-da iyo Tv-ga CNN oo laga mamnuucay in ay ka qaybgalaan Shirarka jaraa’ida ee Aqalka-cad

Qaar ka mid ah hay’adaha warbaahinta ugu waaweyn ayaa laga mamnuucay inay ka qayb galaan shirarka jaraa’id ee aqalka cad.

BBC-da, wargaysyada The New York Times iyo Los Angeles Times, Tv-ga CNN, iyo tiro hay’ado warbaahineed ah ayaan ka qayb gali doonin shirarka saxaafadda ee aan la duubin iyo kuwa la duubo ee uu qabanayo xoghayaha warfaafinta ee aqalka cad Sean Spicer.

Tifaftiraha New York Times Dean Baquet ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee arrin sidan oo kale ah ay la kulmaan taariikhda. Wuxuu sheegay in saxaafadda oo xorriyad loo siiyo daah-furnaanta xukuumadda ay muhiim u tahay danaha qaranka.

Goor sii horreysay ayuu madaxweyne Trump si caro leh ugu dhaliilay warbaahinta khudbad uu u jeediyey dad ololeeya oo muxaafidiin ah.

Ururka wariyeyaasha wararka ka soo tabiya aqalka cad ayaa tallaabadaas si adag uga qayliyey.

Be the first to comment on "Warbaahin ay ku jiraan BBC-da iyo Tv-ga CNN oo laga mamnuucay in ay ka qaybgalaan Shirarka jaraa’ida ee Aqalka-cad"

Leave a comment