Cabdinaasir Biixi Soofe oo loo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Dawlada Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne Lr.18 ee February 24 2017 kuna saabsan Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:         Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay:         Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey  muhiimada ay leedahay magcaabistiisa Agaasimaha guud ee madaxtooyada.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdinaasir Biixi Soofe loo magcaabay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada.
  2. Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay madaxweynuhu maanta oo ay taariikhdu tahay 24 February 2017.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Be the first to comment on "Cabdinaasir Biixi Soofe oo loo magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Dawlada Puntland"

Leave a comment