Faarax Cali Shire Warkuu Soo Tebiyey Yaa I Fahan Siiya,Qore:Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Waxaan maanta dhegadhegeeyey war uu hawada marshay, Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland… Warkaas wuxu farta ku fiiqay Maamulka talada haya isagoo soo qaatay dhowr arimood oo ay ka mid ahaayeen… Midnimada, Dhaqaalaha, Golaha Dhaqanka… Wuxuu sii raacshay in Puntland badbaado u baahan tahay… Waxaan ahay dadka aan dhaqso wax u fahmin, waxaan markiiba raadsaday Qaamuuska Siyaasadda Waxaanna ka dhex helay Sidatan….

Midnimada… Qaamuuska waxaan ka helay xilligii uu Wasiirka ahaa in Puntland ay ka dhex dillaaceen…. Casayr Land, Galbeedka Puntland, SSC Oo Khaatumo u degel rogotay iyo Maakhirland…

Indhahaan kor u taagay madaxana waan xoq xoqday, cabbaar markaan madaxa xoqosho ku jiray ayaan doontay Ookiyaale anigoo is iri malaa Weershaad noqotay… Mise wali waa sidii oo intii ayaa ku qoran… Waxaan baaritaan ugu dhaqaaqay Maamulkaan talada haya… Waxaan ka waayey… Casayr Land, Galbeedka Puntland Iyo Maakhir, waxaase iigasoo baxday Khaatumo… Khaatumo waxaa ku hoos qornaa in dhowr jeer gogol loo fidiyey, waxaa kaloo ka dhex muuqanaysay in Madaxa Sare ee Khaatumo uu safar ku tegey Bursaalax ilaa Buurtinle, waxaa kaloo kusii hoos qornaa in sideed Sarkaal loo diray ka dib markuu diiday in ciidan loo diro… Waxaa kusii hoos qornayd in Madaxii Sare ee Khaatumo ugu danbayn Jawaab Ka Dhigay GUN CAD….

Dhaqaalaha… Qaamuuska waxaa ka dhex muuqanayey, in Faarax markii laga dhigay Wasiirka Maaliyadda laba bilood gudahood uu  gatay Hotel ku yaala Magaalada Boosaaso oo ka bixiyey dakhli dhan Afar Boqol oo Kun oo lacagta Maraykanka ah… Waxaa Kaloo Qaamuuska ka dhex muuqday in ciidamada Badda ay ahaayeen laba jifo oo jifidiisu ka mid ahayd…

Intaas markaan arkay indhaha kor uma taagin madaxana ma xoq xoqan ee waxaan is iri Malaa Waa Dacaayad Laga Sameeyey….

Golaha Dhaqanka…. Qaamuuska waxaa bog ka mid ah kaga qornayd in xilligii uu wasiirka ahaa Golihii dhaqanka Puntland Laba o kala jabeen oo ay arintaa kala jabka ah ay soo gaartay xilligii doorashada Puntland iyagoo laba kooxood Golaha dhaqanku ay u kala fadhiyeen…

Gabagabadii…

Haddii Maanta aanay jirin kala jajabkii soo gaaray Xilligaas, Haddii Xoogga la saaray Kabe yaashii Dhaqaalaha, Haddii golihii Dhaqanka xunguruftii laga dhex saaray waagaas haraysay….

Anigu waxaan ka mid ahay Shacabka Puntland waxaanna kow ka noqonayaa badbaadinta Puntland, waxaanse u baahannahay Ruux i Fahansiiya Waxa Puntland laga badbaadinayo ee Faarax ku dhowaaqay…

Hal shaqsi oo ii asxaan falay ayaa igu yiri… Waagaas waxaa jirtay Dharbaaxooyin Laysla dhaco, Waxaa kaloo Jira dhaqan waagii hore bogcadaha ahaa oo la oran jiray ku habso ku qadi mayside, dhaqankaasi wuxuu haatan soo dhex galay siyaasaddii waxaana soo baxday Qayli Qadi Mayside…

Toloow ninkaasi ma i jaah wareerinayey Mise run buu ii sheegayey….

Qaamuuska Siyaasadda Xilligii Faarax Wasiirka Ahaa Qormay waan ku jaah wareeray ee Wax Garadoow Jaah Wareerkaas Iiga Miciina….

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore:                         Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Email:                        aadciiltire@gmail.com

Facebook:                  https://www.facebook.com/Guureey

Website:                     https://aadciiltire.wordpress.com/

Facebook Page:         https://www.facebook.com/AADCiiltire

 NB……. Ruuxii u isticmaala inuu isagu leeyahay Allah ayaan u wakiishay Raalina kama ahi…

Be the first to comment on "Faarax Cali Shire Warkuu Soo Tebiyey Yaa I Fahan Siiya,Qore:Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)"

Leave a comment