Video:-Agaasimihii Madaxtooyada Puntlad oo sheegtay in xilkii uu iska casilay kadib markii xilka laga qaaday

Deeq Sulaymaan Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Dawlada Puntland ayaa bartiisa Fc-ga kusoo qoray qoraal yar oo kooban oo uu ku sheegayo in uu xilkii Agaasimaha Madaxtooyada iska casilay.
Hadaba iscasilaada Agaasimaha waxaa ka horaysay oo soo baxday intuusan is casilin Warqadii xilka looga qaadayay,taasoo kasoo baxday Xaafiiska Madaxweynaha Dawlada Puntland.
 
Agaasime Deeq Sulaymaan ayaa sidoo kale sii ogaa in xilka laga qaadayo ,waxaana maalmo ka hor lagu wargaliyay in uu booskaa banayn doono.,
 
Deeq Sulaymaan waxaa la oran karaa qoraalkiisu macno ma samayn umana muuqan masuul xilka iska casilay,taa badalkeeda waxaa la oran karaa waa masuul xilka laga qaaday oo shaqadiisa loo bogi waayay.
 
Deeq waa Agaasimihii Madaxtooyada Puntland sadexdii sano ee lasoo dhaafay,waa masuul degan aqoona leh,balse aan la socon waaqiciga dalka iyo hab dhaqanka Bulshada,sidoo kale waa nin muuqaalkiisa iyo hab dhaqankiisu wali yihiin Dhalinyarayn,markii si dhab ah loo qiimeeyana la oran karo uma qalmin Xaafiiskaas muhiimka ah.

 

Hoos ka akhriso qoraalka Aagaasimaha uu soo dhigay bartiisa Fc-ga:-

 

Hoos ka daawo muuqaalka ku dhawaaqista iscasilaada Agaasimaha.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Agaasimihii Madaxtooyada Puntlad oo sheegtay in xilkii uu iska casilay kadib markii xilka laga qaaday"

Leave a comment