Video:-Nabadoon Xarago oo xabsiga loo taxaabay kadib markii uu taageeray Alshabaab

Ciidanka ammaanka magaalada Bosaso, ayaa xabsiga dhigay Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo ah afhayeenka nabadoonada gobolka Bari.
 
Nabadoonka ayaa la xiray xili uu ku sii jeeday degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.
 
Xariga nabadoonka ayaa yimid kadib markii uu ka hadlay xakun dil toogasho ah oo lagu riday 7-dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin ururk Shabaab xili uu booqasho ugu tagay saldhiga weyn ee magaalada.
 
Nabadoon Xarago ayaa waraysi uu bixiyay si cad ugu taageeray Dhalinyaradan ka tirsanaa Alshabaab,waxuuna sheegay in ay yihiin dhalinayro la khasbay oo dusha laga saaray danbi aysan lahayn.
 
Xarago ayaa sidaanoo kale marar badan hadalo uu siiyay saxaafada waxay keeneen muran iyo doodo kala duwan,hoos ka daawo muuqaalka.
                                                                                                             Halkan aka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Nabadoon Xarago oo xabsiga loo taxaabay kadib markii uu taageeray Alshabaab"

Leave a comment