Xubin muhiim ah oo Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay Muqdisho

Sirdoonka Dawlada fadaraalka  ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah horjoogayaasha ajnabiga ah ee  Al-shabaab, kana mid ah kooxda qaabilsan tashkiilinta Dhalinyarada.

 Leyla Cumar Baaruud waa xaaska Horjeege Ajinabi ah oo dhalashadiisu tahay Ethiopian, ciidamada sirdoonka,ayaa ku raad joogay mudo shan bilood ah.

Leyla ayaa kooxda al-shabaab u qaabilsaneyd tashkiilinta dhalinyarada Rag iyo Dumarka ah, iyadoo malcaamad xifdinta Qur’aanka Kariimka  lagu barto ku laheyd gobalka Jubbada hoose.

Sirdoonka dawlada Fadaraalka ah ,ayaa waabarigii maanta Leyla ku qabtay degmada Cabdicasiis xilli ay dooneysay in gurigeeda hortiisa ay gaari ka raacdo.

Laylo Cumar Baaruud, oo ah hooyo labo caruur ah leh, waxeey u muuqaataa in ay ku maashoowday marin habaabinta qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ay howshan ku jirtay muddo todobo sano ah, taas oo dhaxalsiisay in ay ku fogaato aragtida qalafsan ee kooxda sida ka muuqata waraysiga ay bixisayna waxeey ku haminaysaa in ay disho naftayda isla markaana marato dad badan oo muslimiin ah, waxeeyna tusaale u tahay Laylo heerka ay Al-Shabaab garsiiyeen dad badan oo ay uga faa’iidaysteen aqoon yarida, ilaa ay u badaleen kuwo xanbaarsan aragti khilaafsan shareecada Islaamka iyagoo isla saxsan waliba.

Haweeneydan ayaa ku talo jirtay safar ay Degmada Jilib ku gaari lahayd oo ay ugu socotay seygeeda oo ah nin Ajnabi ah.

Be the first to comment on "Xubin muhiim ah oo Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay Muqdisho"

Leave a comment