Akhriso:-Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka oo qodobo dhawr ah ansixiyay

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid kulankooda 6aad ee Kalfadhiga koowaad ayaa waxay kaga doodeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ansixinta 5-guddi iyo labo Hab-dhowre uu yeelanayo Aqalka sare.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ay soo xaadireen 32 Xildhibaan ee Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u soo qabsoomay tan iyo markii la doortay iyo howlaha hor-yaala, waxaana uu hor-dhigay sameynta 5 Guddi KMG ah, iyadoo dood kaddib Xildhibaanada ay ansixiyeen.

Guddiyada KMG ee la ansixiyay ayaa waxay kala yihiin:-

Guddiga Amniga
Guddiga Sameynta Miisaaniyadda Aqalka Sare
Guddiga Shaqaaleynta Shaqaalaha Aqalka Sare
Guddiga Sameynta Xeer Hoosaadka
Guddiga Sameynta Aqalka Sare

Sidoo kale Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ansixiyay labo Hab dhowre ama Nidaamiye oo lagu kala magacaabo C/kaafi Macalin Xasan iyo Fartuun C/qaadir Faarax.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in 5-ta Guddi ee la ansixiyay Guddi walba ay xubin ka yihiin 7 xubnood, waxaana uu faray Guddiyadan in muddo todobaad ah ku soo dhameystiraan howlaha loo xil saaray, kuna soo celiyaan Aqalka Sare si loo ansixiyo.

Aqal Sare ee Baarlamaanka ayaa ah kii u horeeyay ee ay yeelato Soomaaliya, tan iyo markii ay qaadatay xornimada.

Be the first to comment on "Akhriso:-Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka oo qodobo dhawr ah ansixiyay"

Leave a comment