Dhagayso:-Cumar Faraweyne”Ciidamo si khaldan u dhaqmay ayay ahayeen iyagiina dib ayaan xeryahoodii ugu celinay’

Maanta waxaa gadood sameeyay Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ,kuwaasoo kasoo ruqaansaday Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan oo watay dhawr Gaadiidka dagaalka ah ayaa markii ay soo gaareen magaalada garowe waxay qabsadeen Baarlamaanka,Wasaarada Maaliyada iyo laba kayntarool ee Magaalada.

Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa sheegtay in ay ka cabanayaan mushahaar la’aan lasoo daristay mudooyinkii u danbeeyay.

Ciidamadan ayaa markii danbe laga kaxeeyay xarumahaas ay qabsadeen,iyadoo amar kasoo baxay saraakiisha hogaamisa Ciidamada Puntland dib loogu celiyay Xerada Ciidamada ee 54-aad.

Hadaba dhacdaas waxaa ka hadlay oo saxaafad u faahfaahiyay sidii wax u dhaceen Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cumar Cabdulaahi faraweyne,hoos ka dhagayso codka Gudoomiyaha Gobolka.

 

 

Halkan ka dhagayso Codka Gudoomiyaha

Be the first to comment on "Dhagayso:-Cumar Faraweyne”Ciidamo si khaldan u dhaqmay ayay ahayeen iyagiina dib ayaan xeryahoodii ugu celinay’"

Leave a comment