Dhalandhool (Sheeko Gaaban),WQ.Maxamed C. Xasan “Alto”

Saddex inamood ayaa hakad dalgudub ku soo maray Ruushka. Mid wuxuu la socday dayaarad New York, Maraykan, ka timid. Wuxuu ka labaad saarraa duulimaad ka soo cagadhigtay Helsinki, Finlaandiya. Saddexaad, wuxuu ka yimid Awstaraaliya.

 

 

Wiilashii baa isku soo baxay oo Soomaalinnimo isu aqoonsaday qolweynihii sugitaanka Garoonka Dayaaradaha Caalamiga ee Sheremeteva, Moosko. Dhallinyaradu, qofba jahada ka kale ka yimid ayuu dhoofitaan u yahay.

”War ma Soomaali baad tahay?” Dalmar ayaa weyddiiyey labadii wiil midkood.

”Haa, waxaan ahay Maryooley,” ayuu ku jawaabay Dibadjoog.

”Xaggee baad ka timid?” Dibbad baa su’aalay.

Kuye Dibadjoog, ”War, halkaas iyo Sidni, Awstaraaliya ayaan ka imid oo waa igu xumaatay. Finlaandiya baa la iigu sheegey in ay ka burqatay oo aan u ahay socdaal. Bal idinku ii warramoo, xaggeed kala qabannaysaan?”

”Anigu,” Dibbad baa hadalkii qaatay, ”Maraykan ayay iga haysaa, waxaa laygu yidhi: `Waa meel isku dhacsan,´ bal inaan soo sahamiyo ayaan ku talaggalsanahay. Finlaandiyase ma daaq wacnayn.”

”Awstaraaliya Dayrtii inay ka da’day baa la ii soo weriyey. Maraykanse diraac kulul ayaa ka jirtey. Waryaara, ma weydaan ujeedinnin diihaalka iga muuqda?” Dalmar ayaa yidhi.

Maxamed C. Xasan “Alto”

Helsinki, Finland, 19.01.1997 xasan_maxamed@hotmail.com

Be the first to comment on "Dhalandhool (Sheeko Gaaban),WQ.Maxamed C. Xasan “Alto”"

Leave a comment