Gabadh Qaayo Weyn.WQ.Cabdinaasir Biixi Soofe

Gabadh Qaayo Weyn

Gabadh qaayo weynoo

Geenyo ugub la moodoo

Garashiyo aqoon iyo

Gobannimo u dhalatoo

Qurux Guulle siiyoo

Xishood lagu galladayoo

Reerkoodu gaan yahay

Oomasoore guban iyo

Gaajiyo harraad arag.

Geesiyaal walaalo ah

Garbaheeda joogaan,

Gardarrada ma qaatee

Haddii uu dagaal galo

Aabbaheedna gaas iyo

Soo kiciyo geesh adag.

Sidii waxaan la gooyn karin

Geel iyo gammaan faras

Gawaarida is-jiidiyo

Dahab loogu ardaa galo

Giiryaale fuley iyo

Gaandhadiyo ragaaskuna

Isha inuu ku gaadoo

Guudka sare ka eegtiyo

Gaaggaatan mooyee

Xeradaba aan soo gelin.

Gablantooy adduunyada

Waa guri belaayoo

Dagaal lagu gumaadmiyo

Cudur aan la garanayn

’Gam!’ ka siiyey gacalkeed

Aakhira u guureen.

Iyadoo garayskii

Ku giirgiirmay oogada

Garbasaarta sare iyo

Go’na aanan lagu arag

Maxaa Guufan-guufaa

Markay gaankaa marayso

Indhuhuun gembiyi jirey,

Giirka iska kiciyoo

Hadba garab istaagoo;

”Ma ku guursadaa?” yidhi,

”Mise gaabsigaa roon?”

Afku intuu jawaab gabay

Ilmaduna ka gabax tidhi,

Geesta isu buustoo

Soo gocotay waa hore;

”Allow muu guyaal tegey

Garaadkii i dhalay iyo

Gayfane adeerkey

Iyo gobannimadoodii

Ama gaarhayoo nool

Afka ila soo galo,

Maxaa geeso dhiig liyo

Gawsahoo la jebiyiyo

Gaagtira ka dhici laa.”

Cabdinaasir Biixi Soofe

Be the first to comment on "Gabadh Qaayo Weyn.WQ.Cabdinaasir Biixi Soofe"

Leave a comment