Kalafadhiga 1aad ee Baarlamaanka Fadaraalka oo dhawaan furmi doona

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka uu si rasmi ah u furi doono maalinta arbacada ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 01-March-2017.

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa yiri “waxaan ku wargelinayaa Jaalleyaasha Golaha Shacabka in ay u diyaar noqdaan furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furmi doona maalinta arbacada ah ee ay taariikhdu tahay 01-March-2017, saa daraadeed waxaa Xildhibaannada Golaha Shacabka laga doonayaa dhammaan iney diyaar ku yihiin maalintaas xarunta Golaha Shacabka, saacadda 09:00am subaxnimo”

“Waxaa na hor yaala howlo culus oo muhiim u ah dhameystirka dowlad dhisidda Soomaaliya oo qeyb weyn oo ka mid ah ay Xildhibaannada si hufan usoo guteen waxaanna si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka in si aan u gudanno waajibaadkaas na horyaala ay dhowraan waqtiga islamarkaana usoo xaadiraan furitaanka Kalfadhiga 1aad “ayuu hadalkiisa raaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

27kii December 2016 ayey soo bilowdeen howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xiligaasi oo wadajir loo dhaariyey Xildhibaannada labada aqal balse furitaanka rasmiga ah Kalfhiga 1aad ee Golaha Shacabka ayaa noqonaya maalinta arbacada ee soo socota ee 01-March-2017 waxaana si rasmi ah u furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Be the first to comment on "Kalafadhiga 1aad ee Baarlamaanka Fadaraalka oo dhawaan furmi doona"

Leave a comment