Video:-Daawo Shirkii jaraa’id ee Taliska Booliska Puntland uu kaga hadlay xaalada guud ee Amniga Dalka

Taliyaha Booliska Puntland Cabdiqadir Shire Faarax Erag Oo Shir Gudominayay Shirkii Ka Qabsomay Qaybta Boliska Gobalka Ayaa Uga Baaqay dadka iney banaanbaxyada joojiyaan.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Dad-weynaha ay kicinayaan dad Mansab siyaasadeed doonaya iyo kuwo ay aysan aqoon cida ay u shaqeeyan balse ay baarintaan ku hayaan,isagoona xusay in Puntland u baahnayn in Amnigeeda laga wada shaqeeyo.

“shacabku Waa in ay ogaadan qofka soo kaxaysanaya ee kicinta samaynaya ,danta uu leeyahay inay tahay in Mansab siyaasadeed oo u helo ama Noloshiisa oo u maqaam sare u ka gaaro,wuxuna caruurta iyo dumarka ka dhaadhicinaya in reerkooda wax lo dhimay ama lagu xadgudbay,taasina ma,ahan mid xaqiiqa ah,wadanka waxaa ka jira Garsoor cadaalad ah”.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in shacabku ay kalsooni ku qabaan Garsoorka iyo Laamaha amaanka,wuxuuna Tilmaamay in dhalinyaradii la xukumay dhawaan lagu helay inay dadbiga dilka ah geysteen,loona hayo Markhaariyaal iyo cadaymo,wuxuuna cidii aanan ku qancin u so jeediyay inay maxkamada Racfaanka tagaan,taaso sharcigu xaq u siinayo.

“Shacabka Bosaaso waa inay Amaankooda ka shaqeeyaan oo isku duubnaadan,ma,ahan in markii wax dhacaana laamaheena Amaanka la eedeyo,markii aan danbiilayaasha soo qabano oo xukuno ay dadka wax khaldan warbaahinta ugu sheegan Dad aanan la aqoon cida ay u shaqeeyan,cidii amaanka wax lid ah ku samaysa sharciga ayaan horkeeneyna,cidii xaqiiqada rabtana Numberkeenu waa idiin furanyahay nala so xiriira.”.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Daawo Shirkii jaraa’id ee Taliska Booliska Puntland uu kaga hadlay xaalada guud ee Amniga Dalka"

Leave a comment