Video:-Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed

Wararka aan ka heleyno Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in labo qof ay ku dhinteen dabka saakay qabsaday Suuqa Bakaaraha, waxaa sidoo kae lasoo sheegayaa in ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay dabkaasi.

Dabka saakay qabsaday Suuqa Bakaaraha ayaa qasaaraha nafeed kasokoow waxaa ka dhashay qasaaro maaliyeed oo aad u badan, waxaana dabkaasi oo soccday in ka badan 5 saacadood ku hanti beelay ganacsato badan.

Gaadiidka dab damiska gobolka Banaadir iyo Shirkada Hormuud ayaa dadaal saacado badan qaatay kadib ku guuleestay in ay damiyaan dabka saakay qabsaday Suuqa Bakaaraha , waxaa sidoo kale daminta dabka iyo sugitaanka amaanka gacan weyn ka geestay ciidanka dowlada.

Sida aan Wararka ku heleyno dabka ayaa baa bi’iyay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Maacuunta lagu iibiyo iyo sidoo kale suuqa cusub ee loo yaqaan Khaliifa ee kuyaala agagaarka Suuqa Sarifka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuuqaalka 1aad

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

Be the first to comment on "Video:-Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed"

Leave a comment