Video+Sawiro:-Warar kala gedisan oo kasoo baxaya Madaxweyne farmaajo iyo saldhiga Milatari ee Berbera

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu kasoo horjeestay saldhiga militery ee Imaaraat-ku ka sameysanayo Berbera, waxaa uu arrintan kala hadlay Sacuudiga , gaar ahaan kulan uu la qaatay Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasis oo ah kuxigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga iyadoo uu kulanka joogay wasiirka arrimaha dibada Caadil Axmed,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

 

Dhanka kale waxaa iyaguna soo baxaya wararka kale oo sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo wafti ka socda Somaliland ay ku kulmeen Sacuudiga,isla markaana si wada jir ah u wada saxiixeen Saldhigaas Milatari ee Imaaraadku qorshaynayo in uu ka dhisto Berbera.

Waftiga Somaliland iyo Madaxweyne farmaajo ayaa xoguhu sheegayaan in ay si wada jir ah uwada Cumraysteen.

Wararku waxay intaa ku darayaan in socdaalka iyo casuumada loo fidiyay Madaxweyne farmaajo ee Boqortooyada Sacuudiga ayba ku salaysnayd sidii farmaajo looga saxixii laha saldhigaas oo markii hore xoogaa dhaga adayg ah laga dareemay.

Saldhiga Milatari ee Berbera la qorshaynayo in laga dhiso ayaa ujeedka laga leeyahay waxa xogo hoose sheegayaan in ay tahay sidii dawladaha Khaliijka Carabta ay uga dhigan lahaayeen saldhig ay ka weeraraan Xuutiyiinta Yemen ,ugu danbayna uu noqon lahaa saldhig milatari oo loo isticmaalo weerar lagu qaado IRAN hadii loo baahdo.

Sida wararku xaqiijinayaan waxaa Saldhigaas qorshihiisa  wax ka og Dawlada Maraykanka.

 

 

1 Comment on "Video+Sawiro:-Warar kala gedisan oo kasoo baxaya Madaxweyne farmaajo iyo saldhiga Milatari ee Berbera"

  1. waa arin layaab leh anaga hadaan somaali nahay anagaa taayadii qiilqiil kujidhaa oo nalaka doonayaa inaan dawlad dhisano maxaa nookeenay in waddo dagaal lagu galo nala kadhigto waayaab somaaliyeey arinkaan anaguu nooyaalaa ciddii waxkarada maanta meesha mataal sunni baanahay walaahay sucuudiga iyo wadamada carabtuba waxay rabaan inay dana hooda nagu fushaan

Leave a comment