Fadhigii Baarlamaanka oo furmay iyo kalsooni u qaadida Rw cusub oo bilaabanaysa

Ra’iisul wasaaraha magacaaban, Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamaanka u jeediyay khudbo uu kaga hadlayay waxa uu doonayo inuu qabto haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay arrinta abaaraha, shaqa la’aanta, iyo inuu soo dhisidoono xukuumad tayo leh.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in “Xukuumadda ay ku shaqeyndoonto wada shaqeynta shacabka, waxayna la imaandoontaa isla xisaabtan dhab ah”.

“Waxaa wax ka qaban doonaa, gurmadka abaaraha, amniga, dhisidda ciidan qaran, xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta cadaaladda iyo garsoorka, dhameystirka dastuurka, xoojinta federaalka, horumarinta dimuquraadiyadda iyo dhameystirka dib u heshiisiinta”, ayuu yiri Kheyre.

Fadhiga koobaad ee Baarlamaanka oo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka qeybgalayo.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday in baarlamaanka ay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Haddii la siiyo codka kalsoonida, Ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre wuxuu billaabayaa inuu soo xulo golihiisa wasiirada.

Golahaasi wasiirada ayaa markooda waxaa codka kalsoonida u qaadi doono baarlamaanka.

Dhanka kale, madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta tagaya aqalka baarlamaanka waxaana loo dhaarinayaa kursi aqalka sare ka mid ah.

Waxaa la xiray qaar ka mid ah jidadka gala aqalka baarlamaanka Soomaaliya.

Be the first to comment on "Fadhigii Baarlamaanka oo furmay iyo kalsooni u qaadida Rw cusub oo bilaabanaysa"

Leave a comment