Video:-Furitaankii Baarlamaanka iyo dhaarintii Ra’isalwasaare Khayre

 

Madaxweynaha ayaa ka codsaday in baarlamaanka ay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Haddii la siiyo codka kalsoonida, Ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre wuxuu billaabayaa inuu soo xulo golihiisa wasiirada,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka Furitaanka Baarlamaanka

 

 

 

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

Waxaa u codeysay 231 xildhibaan oo ah dhammaan mudanayaasha fadhiga baarlamaanka maanta ku suganaa.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa lagu dhaariyay aqalka baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii la siiyay codka kalsoonida.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa haysto 30 maalmood oo uu ku soo magacaabo gole wasiiro. Waxaa laga doonayaan inuu baarlamaanka u gudbiyo golaha wasiirada iyo barnaamijka ay ku shaqeyndoonaan, ugu dambeyn 30-ka bisha Maarso,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka sidii loo dhaariyay Ra’isalwasaaraha cusub

 

Be the first to comment on "Video:-Furitaankii Baarlamaanka iyo dhaarintii Ra’isalwasaare Khayre"

Leave a comment