Video:-Muuse Biixi ”Doodaha hada taagan ee ay labada dhinac isku hayaan mahan kuwo diidan in ay midoobaan Somaliya iyo Somaliland”

Murashaxa Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay suurto-galnimada mar kale oo ay Somaliland dib u la midowdo Somaliya,

Muuuse Biixi ayaa sheegay in doodaha hada taagan ee ay labada dhinac  isku hayaan aanay ahayn kuwo diidan in la midoobo balse la isku afgaran la’ yahay oo keliya sida ay u midoobayaan Somaliland iyo Somaliya.

Muuse Biixi ayaa si adag u sheegay  haddii la doonayo in dib loo mideeyo labaddaas dawladdood ay ka dawlad ahaan doonayaan in loo midoobo  Koonfurta Somaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray iyo Waqooyiga Ingiriisku gumaysan jiray ama loo yiqiin British Somaliland, iyadoo la raacayo axdi qarameedkii lagu kala xadeeyey wadamada Afrika.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Muuse Biixi ”Doodaha hada taagan ee ay labada dhinac isku hayaan mahan kuwo diidan in ay midoobaan Somaliya iyo Somaliland”"

Leave a comment