Hay’adda IOM oo ka digtay Macluul soo wajahda dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Malaayiin qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, W/bari Nayjeeriya iyo Yemen ayaa la sheegay in ay cunno yari baahsan ku haystaan dalalkooda.

 Dhibaatooyinka Soomaaliya ayaa inta badan la sheegay iney ka timid Abaaraha dalka jira iyo Colaadaha, Afhayeenka hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IMO Joy Milman ayaa sheegay in ilaa 100-kun oo qof ay gobolkaasi macluul khatar ugu jiraan.

“Haddii aysan helin gargaar ku filin dadkaasi ayaa waxaa laga  yaabaa in macluusha ay ku faafto waddanka, halka dadka cuna yaraanta haysana laga yaabo iney gaaraan ilaa shan milyan iyo shan boqol kun oo qof bisha juulaay, xilligaas oo ah goorta ay abaarta ugu xun tahay, iyadoo tirada ay cunna yaraanta haysataana ay ku dhow yihiin shan milyan oo qof”

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IMO ayaa sheegtay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay kasii dareyso iyadoo dadka ay deegaanadooda kasoo barakacayaan kuwaasoo raadinaya cunto.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowaan lgu qabtay shir caalami ah uu  shir guddoominayey Madaxweynaha J.F  Soomaaliya Mudane Maxa’ad C/laahi Max’ad Farmaajo kaasoo looga hadlayey Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa kasoo qeyb galaya masuuliyiinta Dowlad-govboleedyada iyo Hay’adaha Gargaarka iyo deeq bixiyaal badan.

Be the first to comment on "Hay’adda IOM oo ka digtay Macluul soo wajahda dalal ay Soomaaliya ka mid tahay."

Leave a comment