Midawga Yurub oo bixin doona mushahaarka Ciidamada Booliska Somaliya 4-ta sano ee soo socota

Kulan ay si wadajir ah u guddoominayeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan “Farkeeti” iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mrs. Veronique ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil ka tirsan ciidanka boliiska oo uu hoggaaminaayey taliyaha ciidanka boliiska sarreya gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa lagu magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay daraasad muddo laba bil ah laga sameynayey xaaladda dhaqaale iyo ciidan ee uu boliisku ku sugan yahay, si ay boliisku ugu suurta gasho inuu si hufan u guto hawlihii loo egmaday.

Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulanka ka sheegay in saraakiisha ciidanka ay diyaar u yihiin sidii Midowga Yurub ay ugala shaqeyn lahaayeen hawlaha dib u habeynta ciidanka.

Sifiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador  Mrs. Veronique oo shirka ka hadashay ayaa dhankeeda sheegtay in ilaa iyo 2020 ay boliisku u hayaan mushaahar ay ugu talagaleen, ayna diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan dib u dhiska ciidanka booliska, gaar ahaan dhanka mushaaraadka, qalabka, tababarka Iyo sidoo kale daryeelka askarta da’da ah ee ku gaboobay hawsha boliiska.

Gaba-gabadii Sshirka waxaa hadalka qaatay wasiirka maaliyadda xukuumadda fedaraalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Farkeeti ayaa dhankiisa caddeeyey in booliisku uu tusaale u yahay dib u amniga dalka.

Be the first to comment on "Midawga Yurub oo bixin doona mushahaarka Ciidamada Booliska Somaliya 4-ta sano ee soo socota"

Leave a comment