Qaramada Midoobey Oo Ammaantay Barlamaanka Soomaaliya

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka hadashay ansixintii shalay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib markii ay ogolaadeen 231 xildhibaan in Xasan Cali Khayre uu noqdo Ra’iisul Wasaare, wax diiday ama wax ka aamusayna aysan jirin.

QM ayaa waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso qaabka wanaagsan ee ay sameeyeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, maadaama ay si Dimuqraadiyad ah ku ansixiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub, taasina ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay israacday.

Michael Keating Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka waxa uu ku ammaanay howsha wanaagsan ee ay qabteen iyo kalsoonida ay siiyeen Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweyneynaa howshii wanaagsaneyd ee ay shalay qabteen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, waxa ay aheyd mid horay u socosho leh, Hadii aan nahay QM waxaan si buuxda ula shaqeyn doonaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo xukuumada uu soo dhisayo” Ayuu yiri Michael Keating.

Ugu dambeyntii Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating  ayaa sheegay Dowladda Federaalka in laga sugayo in ay wax ka qabato arrimaha Abaaraha, Amniga, Musuq-maasuqa iyo arrimo kale, si loo gaaro Hiigsiga 2020-ka ee ah in Doorasho Qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya.

Be the first to comment on "Qaramada Midoobey Oo Ammaantay Barlamaanka Soomaaliya"

Leave a comment