Video:-Wasiirka Cadaalada Maraykanka oo lagu helay in uu xiriir la yeeshay Sirdoonka Ruushka

Wasiirka wasaaradda caddaaladda ee dalka Maraykanka Jess Sessions ayaa lagu helay inuu xiriir hoose la sameeyay safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka,intii lagu guda jiray qaban qaabada doorashada madaxweyne Trump .

Kulanka uu la yeeshey safiirka ayuusan ka hadlin ka hor inta aan xilka loo dhaarin, Waxaana hadda laga dalabanayaa in u xilka iska casilo.

Laba jeer oo ahayd bishii September ee 2016 ayuu Jess Sessions waxa uu wada hadal la yeeshey safiirka Ruushka u fadhiya magaalada Washington, Sergej Kislyak.

Ciidamada Sirdoonka Maraykanka ayaa weli baaritan ku haya farogelinta Ruushku ku sameeyey doorashadii Madaxweynaha ee Maraykanka.

Wargeyska weyn ee Washington Post ayaa xogtiisa ka soo xigtey xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiir Jess Sessions oo horey u ahaa Senator laga soo doorto gobolka Alabama ayaa kamid ahaa taageerayaasha waaweyn ee madaxweyne Trump xiligii ol-olaha doorashada lagu guda jiray.

Haweeyenyda hoggaamisa Senatarada Dimoqraadiga ee Aqalka hoode haweeneeyda lagu magacaabo Nancy Pelosi ayaa tiri:

“hadii wasiirka cadaalada Jess Sessions uu been ka sheegey dhegaysigii lala yeeshay waa in uu xilka iska casilaa.”

Senator Graham ee laga soo doorto gobolka South Carolina ayaa sheegay haddii xeer ilaaliyaha guud ee cadaaladda Mr Sessions uu xiriir la sameeyey Ruushka loo baahan yahay in dacwad ooge madaxbanaan loo qabto fadeexadda Ruushka ee Xukuumadda Donald Trump.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

Be the first to comment on "Video:-Wasiirka Cadaalada Maraykanka oo lagu helay in uu xiriir la yeeshay Sirdoonka Ruushka"

Leave a comment