Kenya oo sheegatay in ay dishay 57- ka tirsan maleeshiyada Ururka Alshabaab ah

Saraakiisha Ciidamada Milatariga ee Wadanka Kenya ayaa sheegtay in Howlgal Qorsheysan oo ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen Dagaalameyaal aad u badan oo ka tirsan Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in illaa 57 Dagaalame oo Shabaab ah ay ku dileen Agagaarka Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana Howlgalkaas ay ka Gacan siiyeen Kenya Ciidamo Mareykan ah.

“Waxaan halkaas ku dilnay Shabaab aad u badan oo doonayay in ay qaadaan Weeraro lagu dhibaateeyo Dad aan waxba galabsan,markii aan Xogtaas helnay ayaan ku duulnay”ayey Warbaahinta Kenya u sheegeen Saraakiisha Ciidamada Kenya.

Al-shabaab iyo Maamulka Jubbaland weli kama hadlin Howlgalka Kenya ay sheegtay in ay ku dishay Kontomeeyo Al-shabaab ah.

Be the first to comment on "Kenya oo sheegatay in ay dishay 57- ka tirsan maleeshiyada Ururka Alshabaab ah"

Leave a comment